SO | EN

SO | EN

Goormee la Maxkamadaynayaa Burcadbadeed Soomaali ah oo lagu hayo India ?

|

Mumbai (KAAB )- Dalka India waxa lagu hayaa koox burcad badeed Soomaali ah kuwaas o dhawaan gacanta ku dhigay ciidanka Badda Hindia iyaga oo haystay Markabka Ganacsiga ee MV Ruen.

Dhallinyaradan  oo gaaraya 35 ayaa la shaaciyay waqtiga ay ka soo muuqan doonaan Maxkamada si loogu qaado eedaha loo haysto ee la xiriira falal burcadbadeednimo ah.

Dowladda Hindia ayaa sheegtay in Bisha soo socota ee April 4-da ayaa la qaadi doono  kiiska  Eedeysanayaashaas oo hadda ku xiran xabsiga The Yellow Gate Police Station ee magaalladda Mumbai.

9 Eedeysane ayaan ka soo muuqan doonin Maxkamadda sababo la xiriirta iyadoo 8 Eedeysane sheegteen inaysan weli qaan-gaarin oo ay da’dooda ka hooseyso 18 sano, halka Eedeysane kale oo dhaawacan la daawaynayo.

Qareen lagu magacaabo Vishwajit Singh ayey Safaarada Soomaalida ku leedahay dalka Hindiya u wakiilatay inuu difaaco eedeysanayaasha Soomaalida loo haysto Kiiska Burcad-baddeednimada.

Puntland ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso sida ciidamada Hindiya ay xeebahaas ugu fuliyeen howlgalkii labaad oo ay gacanta ku dhigeen burcad baddeed gacanta ku hayey doonyo iyo Markab ganacsi.

Burcad baddeeda Soomaaliya ayaa kordhiyey dhaqdhaaqyadooda dhamaadka sanadkii tagay ilaa bilowga sanadkaan iyagoo muddadas gacanta ku dhigay ilaa saddex Markab oo ay ka soo afduubteen biyaha caalamigaa

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News