Garoowe (KAAAB ) Maanta oo Jimca ah Guddiga Doorasha Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa si rasmi ah loo magacaabay ayaa soo saaray Habraaca iyo Shuruudaha Doorashada.
Guddiga ayaa shaaciyay Habraaca iyo Shuruudaha Rasmiga ah ee laga doonayo dhammaan Musharrixiinta u tartama Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Shuruudaha Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee la shaaciyay waxa kamid ah in Musharraxa da’diisa aysan ka yarayn 40 sano iyo in aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin shantii sano ee u danbaysa.
Arintan ayaa imaanaysa maalin ka dib markii magaalada Garoowe lagu doortay Guddoomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeenkiisa.
08- da Juanry ayaa sida qorshuhu yahay la filayaa in deegaanada maamulka Puntland ay ka qabsoonto doorashada madaxtinimada oo in muddo ah ay ka jirtay khilaaf xoogan oo hadba soo maray.
Halkaan ka akhriso Habraaca