Tel Aviv (KAAB TV) – Xuutiyiinta ayaa digniin rasmi ah u diray dalalka Carabta, wuxuu yiri hoggaamiyaha sare ee Xuutiyiinta “Shidaalka aad bixisaan ayaa lagu dilaa ilmaha Qaza.”
Sidoo kale, hadalkan waxaa xigay in si lama filaan ah warbaahinta Israa’iil ay diiradda u saareen digniin amni oo loogu sheegayo Israa’iiliyiinta inay ka soo baxaan dhulka Carabta, waxaa lagu celceliyay khatar ka jirta Imaaraadka Carabta oo dhalisay diyaaraddo gaar ah in lagu daabulay diblomaasiyiintii Israa’iil ka joogtay.
Dhanka kale, isla markii guddiga amniga Israa’iil ayaa iyagana baahiyay war saxaafadeed ay ku sheegeen inuu go’ay xiriirkii Israa’iil ay lahayd sirdoonka Carabta, waxaa farta lagu fiiqay Abu Dhabi oo la sheegay in kalsooni darro amni ay soo kala dhexgashay, ilaa ay gaartay heer warbixinta lagu muujiyay labo arrin oo cusub kuwaasoo ah.
- Carabta way kacsanyihiin waxayna doonayaan inay nacaybka Yahuudda si ficil ah u muujiyaan ka fogaada.
- Israa’iiliyiinta ha is qariyaan yaan lagu arkin wax calaamad caddeynaysa inay Yahuud yihiin.
Digniinta golaha amniga Israa’iil, waxaa kaloo lagu sheegay inay Israa’iiliyiinta ka fogaadaan inay muujiyaan inay yihiin Yuhuud, ama adeegsiga astaanta iyo calanka Israa’iil, taa oo ay sheegeen inay ku soo jiidi karto khatar.
Isku xirka dhacdooyinkan, ayaa loo qaatay inay jirto khatar amni oo dhab ah, ama kacdoon bulsho oo ku soo wajahan boqorada kuraastooda ilaashanaya ee Carabta.
Sikastaba, Waxaa cad inay Carabta la kulmayaan fadeexad aan taariikhdooda ka hari doonin , muuqaallada ka imaanayana Qaza waxay noqdeen kuwo uur kutaalo leh, illaa qoysas reer galbeed ah ay cunada joojiyeen, halka Carabta la dhiigga iyo diinta ah Qaza aysan waxba diirin, balse hubaal in aamusnaanta ay dhalin doonto qarax dadweyne!

