GAROWE (Kaab TV) – Iyadoo Puntland ay wado diyaarinta qorshaha dimuqraadiyeynta ee 2029, ayaa waxaa lagu baaqay in Guddiga Doorashooyinka Puntland uu noqdo hay’ad si buuxda uga madax-bannaan hay’adda fulinta (xukuumadda).
Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda Puntland, Maxamed Cali Faarax, ayaa sheegay in arrinta ugu horreysa ee la tayeeyo ay tahay madax-bannaanida guddiga iyo in la hagaajiyo xeerarka doorashooyinka si loo gaaro hanaan dimuqraadi ah oo dhab ah.
“Waxaa jira dhowr tallaabo oo muhiim ah in la qaado. Midda koowaad waa madax-bannaanida Guddiga Doorashooyinka — waa in uu si buuxda uga madax-bannaanaa golaha fulinta,” ayuu yiri Maxamed Cali Faarax.