Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Guddiga doorashooyinka ee la isku khilaafsan yahay oo shaaciyay waqtiga doorashooyinka Soomaaliya

|

Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee la isku khilaafsan yahay, Cabdikariin Axmed Xassan, ayaa sheegay in jadwalka doorashooyinka qaranka ay soo shaacin doonaan toddobaad gudihiis.

Cabdikariin oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Guddiga ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Guddiga ee magaalada Muqdisho maanta oo Khamiis ah.

Cabdikariin, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka ay booqan doonaan goobaha loo qorsheeyay qabashada doorashada qof iyo codka ah.

“Waxaan shacabiga Soomaaliyeed uga bishaareyneynaa in guddigan uu diyaar u yahay in aanu idinka soo gaarsiino Sanduuqa Doorashada, meel walba oo aad joogtaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Guddigu diyaarintooda mudnaanta siiyay diiwaangelinta ururrada siyaasadda oo kuwa cusub laga rabi doono inay lacag is diiwaangalin bixiyaan, wacyigelinta codbixiyaha iyo teknolojiyadda fududaynta howlaha doorashada.

Inkastoo dalka badankiis ay weli ka taliyaan kooxda Shabaab, sidoo kalana maamullada Puntland iyo Jubaland ay diideen doorashooyinkan, ayaan haddana waxaan caddeyn siday ku qabsoomi karto doorashada uu maanta sheegay guddoomiyaha guddigan.

Waxaa sidoo kale taagan in hannaanka magacaabista guddigan aan la isku raacsanayn, waxaana magacaabista guddigan ay ku timid bedellidii dastuurka iyo meelmarinta sharciga cusub ee doorashooyinka oo sidoo kale aan loo dhameyn.

Diiwaangalinta codbixiyaasha

Illaa hadda ma jiraan cod bixiyaal la diiwaangaliyay, taasoo sidoo kale sii cakireysa rajada laga qabi karo doorasho toos ah oo dalka ka dhacda dhowaanahan.

Horey qeybaha siyaasadda ayaa u soo saaray baaqyo ay ku sheegayaan in guddigan doorashooyinka uusan ahayn mid “sharci ah”, iyo inaan la aqbali karin waxay ku sheegeen guddi uu madaxweyne Xasan Sheekh keligiis magacawday.

Kaab TV ayaa ogaaday in xubnaha beesha caalamka, oo taageerta hannaanka dowladnimada Soomaaliya, ay illaa hadda ka war-wareegayaan inay taageeraan ama la shaqeeyaan guddigan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News