HARGEYSA (KAAB TV) – Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo dhaariyey Gudiga Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka, taasoo qeyb ka ah u diyaargarowga doorashooyinka ka dhacay Somaliland bisha soo socota.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf ayaa madasha dhaarta ka hadlay ayaa sheegay in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomayso.https://youtu.be/bBf78xRQFYghttps://youtu.be/bBf78xRQFYg
Doorashooyinka Somaliland ayaa loo ballansan yahay inay qabsoomaan 13 Nofembar 2024.
Doorashada dhacaysa bisha soo socota ayaa aad u xiiso badan.
Waxaa ku tartamaya saddexda xisbi ee hadda ka jira Somaliland oo kala ah: Kulmiye (oo hadda talada haya) oo uu u sharraxan yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi; Waddani oo ah mucaarid, uuna u sharaxan yahay Cabdiraxmaan Cirro iyo UCID oo uu u sharaxan yahay Feysal Cali Waraabe.
Waxaa sidoo kale doorashada loo codeyn doonaa tiro gaareysa saddexda xisbi ee hadda jirta iyo toddoba (7) urur siyaasadeed oo doonaya inay xisbiyo u gudbaan. Tobanka ayaa lagu kala saari doonaa cod badnida iyadoo laga soo reebi doono saddex xisbi oo noqon doona xisbiyada sharciga muddo 10 sano ah.