Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee lagu muransan yahay, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa maanta shaaca ka qaaday in khubaro ka kala socda Puntland iyo Somaliland ay qeyb ka yihiin Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka Soomaaliya.
Guddoomiye Cabdikariin ayaa sheegay in khubarada ka socota Somaliland ay gacan ka siinayaan hagista iyo nidaaminta doorashada qof iyo cod ah ee la qorsheynayo.
“Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka waxaa ka tirsan laba khabiir oo aan ka keenay Somaliland, kuwaas oo si wanaagsan u yaqaanna hanaanka shaqo ee hirgelinta doorashooyinka golayaasha deegaanka. Maadaama Somaliland ay ku gam’irtay qabashada doorashooyinkaasi, labadan xubnood waxaan ka dhageysanaynaa talooyin iyo fikrado la xiriira howlaha doorashada golayaasha deegaanka,” ayuu yiri Cabdikariin Axmed Xasan.
Guddigan oo si weyn loo muransan yahay ayaa dhowaan diiwaangelin codbixiyeyaal ka bilaabay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, inkasta oo howshaasi ay istaagtay maalmo yar kadib.
Siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ayaan weli aqbalin guddigan, waxaana aan caddayn sida doorasho ay uga dhici karto Muqdisho, xilli uu weli taagan yahay khilaafka ku saabsan sharciyadda guddiga.