SO | EN

SO | EN

Guddiyada Aqalka Sare oo isku shaandheyn lagu sameeyay maanta

|

Muqdisho (KAAB) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga Saddexaad kulankiisa 2-aad oo ajandihiisu ahaa ansixinta isku shaandheynta Guddiyada Aqalka Sare ee BJFS.

Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Aqalka Sare Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa Sanatarrada la wadaagay go’aanka guddoonka aqalka Sare iyo sida la isu raaciyay Xubnaha Guddiyada ee isku shaandhaynta lagu sameeyay.

Sidoo kale, guddoomiyaha oo kulanka soo xiray ayaa uga mahad celiyay Sanatarrada Aqalka Sare sida wanaagsan oo ay ugu raaceen isku shaandhayntii guddiyada ay sameeyeen, wuxuuna dhina kale faray xubnaha Guddiyada Aqalka Sare in ay laba jibaaraan waajib gudashadooda ku saabsan korjoogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News