Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir Yuusuf Cadaani ayaa maanta ka hor sheegay Shacab badan oo iskugu soo baxay Degmadaasi inay beegsan karaan cid waliba oo aragti ka duwan la timaada Dowladda Soomaaliya.
Yuusuf Cadaani ayaa tilmaamay inay shacabka Degmada kula xisaabtami doonaan hadii cid mucaarad ku ah Dowladda Soomaaliya ay deganaanto Degmadaasi Kaaran, waxaana uu ku amray in ay soo qabtaan ayna saldhiga kusoo xiraan.
“Qofka mucaarad ku ah Dowladda Gurigiisa ku weerara, Dila maqaro u qaata waad u fasaxan tihiin, argagexiso ayaa soo dirtay, lafaha ka tuma, Degmada Karaan ma degna ruux sidaas oo kale ah hadii ay dhacdadana waa inaad soo xirtaan oo saldhiga keentaan aadna garaacdaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Kaaraan Yuusuf Caddaani.
Waxa uu sidoo kale weerar dhinaca Afka ah uu ku qaaday rag isticmaala Baraha Bulshada oo uu sheegay inay wax ka sheegaan habsami socodka qaadashada kaararka codbixinta waxaana uu ka dalbaday laamaha amaanka inay soo xiraan ka maamul Degmana ay diyaar u yihiin inay dacwadda Shaqsigaasi lagu soo xiraayo ay marqaati ka ka noqon doonaan.
Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa kagu xasuustaa sanadkii 2021 mar uu taliye saldhig ka ahaa Degmada Yaaqshiid inuu ku biiray Badbaado Qaran oo uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaasi mucaarad ku ahaa Dowladdii Madaxweyne Farmaajo.
Arintaan ayaa waxa hadal heyn badan ka dhex dhalisay Bulshada sida weyn u istcmaasha baraha Bulshada, waxaanaan la ogeyn saameynta ay yeelan doonto hadalka Guddoomiyaha oo Bulsha kicin ah horeyna ay uga digeen laamaha amaanka inaan faraha lala galin tallaabooyinka Bulsha kicinta ah.