Muqdisho (Kaab TV) – Guddoomiyaha Degmada Warta-Nabadda Seynab Xaabseey ayaa amartay in la xiro qaar kamid ah shacabkii maanta ka hadlay biyo lagu soo daayay waddo ay ku dhisteen lacag ey iska aruuriyeen oo ku taalla aagga xaafadda Furayaasha.
Sida aan xog ku helnay hadda waxaa la xiray labadaan qof, halka qaar kale oo muuqaalka kasoo muuqday loo yeeray si loo xiro.
Dadka cabashada muujiyay ayaa ahaa Guddigii lacagta kasoo aruuriyay xaafada Furayaasha islamarkaana dhisay jid Interlock ah oo halkaas ku yaalla waxayna maanta sheegeen in la duminayo waddii ay dhisteen dadka degaanka.
Maamulka Warta-Nabadda oo dhib badan lagu qabo waxaa Guddoomiye ka ah Seynab Xaabseey oo muddo dheer xilkaas ku magacaaban waxaana isa soo taraya cabashada ay qabaan dadka degaanka oo gaaray ilaa ay dhigaan Banaanbax, balse waxaa indhaha ka fureestay maamulka G/Banaadir iyo dowladda dhexe.