SO | EN

SO | EN

Guddoomiyaha Gedo oo ka digay halis ka iman kara bixitaanka ciidanka Ethiopia

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir0 ayaa walaac ka muujiyay bixitaanka ciidanka Ethipia ee ku sugan shan degmo oo ka mid ah gobolka Gedo.

Guddoomiye Cabdullaahi oo lahadlay Kaab TV ayaa sheegay in aysan jirin wax tallaabo ah oo ay sameeyeen Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland oo lagu sugayo amniga gobobolka.

Wuxuu guddoomiyuhu sheegay in maamulkiisu ay joogaan kaliya magaalooyinka, halka dhulka miyiga oo dhan ay joogaan kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye Cabdullaahi oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa caddeeyay inuu u yimid si uu arrinta walaaca dhanka amniga ugala hadlo Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Ethiopia ayaa ku sugan illaa 5 degmo oo ka tirsan gobolka Gedo, iyagoo suga amniga deegaanadaasi oo halis ay ku hayaan Al-Shabaab.

Ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika oo qeyb ka yihiin ciidamada Ethiopia ayaa la qorsheynayaa inay dalka ka baxaan, waxaase jirin qorshe beddelaya oo amniga lagu sugayo oo ay heyso Dowladda Soomaaliya.

Hore waxaa walaac midkan la mid ah u muujiyay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News