SO | EN

SO | EN

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dib u cusbooneysiiyey olole uu ku doonayo duqa caasimadda in uu noqdo kale

|

MOGADISHU (KAAB TV) –Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa dib u cusbooneysiiyey olole xooggan oo uu ku doonayo duqa caasimadda doorashada ka dhici doonta Gobolka Banaadir dhammaadka bisha October.

Muungaab oo waayey xubinnimada Xisbiga JSP ayaa la shiray xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran, isagoo ka codsaday inay ka taageeraan musharradnimadiisa duqa caasimadda. Xubnaha Xisbiga Himilo Qaran ayaan aqbalin doonista Muungaab maaddaama ay tuhunsan yihiin inuu yahay nin isbeddel badan.

Dhinaca kale, rag ka tirsan xafiiska duqa magaalada ayaa sheegay in Muungaab uusan rajo badan ka qabin inuu ku guuleysto duqa caasimadda laakiin uu ka shaqeynayo sidii uu u noqon lahaa musharrax madaxweyne 2026

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News