SO | EN

SO | EN

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xariga ka jaray waddooyin cusub

|

Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarriga ka jaray afar waddo oo laami ah, kuwaasi oo laga dhisay waaxda Oktoobar ee Degmada Hodan, dhismaha waddooyinkaan ayaa waxaa iska kaashaday bulshada, Maamulka Degmada iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale, Muungaab ayaa tilmaamay in dhismaha waddooyinka ay kaalin wayn ka qaadanayaan, horumarka caasimadda, waxa uuna sheegay in ay socdaan qorshayaal kale oo lagu dhisaayo waddooyin muhiim ah iyo furista waddooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho kuwooda aan culeesyada amni ka jirin si loo fududeeyo isku socodka bulshada iyo gadiidka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumaradda ka socda caasimadda ee dhanka dib-u-dhiska, soo celinta bilicda, amniga iyo dimuqraadiyeynta dalka si ay bulshada usoo doortaan Maamulkooda heer Degmo illaa heer Gobolka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News