SO | EN

SO | EN

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Booqasho Shaqo Ku Tagay Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool

|

Xudur (KAAB TV) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, isaga oo hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur, halkaas oo ay ku qaabileen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

Inta uu joogo Xudur, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu wadaa inuu la yeesho kulamo muhiim ah mas’uuliyiinta gobolka Bakool, maamulka degmada Xudur, odayaasha dhaqanka, iyo saraakiisha ciidamada.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda amniga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News