SO | EN

SO | EN

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo u ambabaxay Dalka Algeria, Xili uu buuq siyaasadeed ku furan yahay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu ku furan yahay buuq Siyaasadeed ayaa isaga iyo wafdi uu hogaaminayo maanta u ambabaxay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria, halkaas uu uga qeyb geli doono shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta.

Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa sanadkan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda wadanka Falastiin, waxaana lagu wadaa inuu Sheekh Aadan Madoobe halkaasi ka jeedo Khudbad.

Sida kutalagalka uu yahay shirka ayaa furmi doona 3da Bishaan May ilaa 4ta Bisha ayuu socon doonaa waana kulankii 38 ee shirka Midowga Baarlamaanada Carabta.

Waxaana shirkaan lagu wadaa inay ka qeyb galaan 250 Guddoomiyayaal heer Baarlamaanka oo wadamada Carabta ah sidoo kale waxaa xaadiri doona wafuud caalami ah maadama lagu gorfeeyn doono xiisadda ka taagan Falastiin, siyaasadaha gudaha iyo mid heer gobol ee wadamada Carabta.

Waxaa xusid mudan in maalinta ugu dambeysa Shirkaan laga soo saari doono Warmurtiyeed uu kuxusan yahay miisaaniyad sanadeedka 2025.

Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kusoo aadaya Xilli Baarlamanka uu buuq siyaasadeed kaga furan yahay, Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo horey ugu shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mooshin sharci ah ay keeneen hogaamintiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News