Muqdisho (KAAB TV ) -Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow ayaa ka hadlay sababaha keenay in ay hoos u dhacaan fulinta toogashada dadka Xukunsaneyaasha.
Guddoomiye Liibaan oo ka hadlay Munaasabad lagu soo dhaweynayay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Dr Xasan Mungaab ayaa sheegay in caqabad dhul la’aan ay heysato waaxda fulinta xukunada ee Maxkamaddaha ciidamada qalabka Sida.
“Hakad ayaa ku yimid fulinta Dilka tooogashada, dhulkii aan ku fulin jirnay qaranka ayaa u baahday, Guddoomiye Mungaab waxaan kaa codsaneyna in aad nasiiso dhul aan ku toogano xukunsaneyaasha” ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ay maamulka gobolka Banaadir uga baahan yihiin garab istaag iyo in ay Maxkmadda ku taageerto Xukunnada la fuliyo.
Hadalka Guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xilli tiro dad ah oo ku xukuman dil ay ku xiran yihiin Xabsiyada dalka.