SO | EN

SO | EN

Guddoomiyaha Midowga Afrika oolagu wado inuu Muqdisho u yimaado wada hadal heersare ah.

|

Muqdisho (KAAB TV) -Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaaro magaalada Muqdisho, isagoo madaxda Soomaalida kala hadli doona arrimaha siyaasadda iyo ammaanka, sida mustaqbalka howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa inta uu ku guda jiro booqashadiisa waxa uu Aqalka Madaxtooyada kula kulmi doonaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la filayaa in ay si wada jir ah warbaahinta ula hadlaan. Qodobada ugu muhiimsan ee ajandayaasha looga hadlayo waxaa ka mid ah xaaladda AUSSOM iyo xaaladda guud ee amniga dalka.

Booqashadiisa ayaa ku soo beegantay xilli aad u kacsan, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibo caalami ah ay howlgalo ciidan ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay soo bateen weerarada ay geysanayaan ururka Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Xoogaga Muqaawamada ayaa sii xoojiyey weerarada ay ka geysanayaan deegaanada ku dhow dhow caasimadda, waxayna taasi caqabad weyn ku tahay dowladda Soomaaliya.

Iyadoo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika uu isu diyaarinayo isbedel suurtagal ah, wada-hadallada u dhexeeya Yuusuf iyo hoggaanka Soomaaliya waxay u badan tahay in looga hadlo doorka Midowga Afrika ee xasilinta Soomaaliya iyo taageeridda ciidamadeeda ammaanka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News