SO | EN

SO | EN

Guddoomiye Aadan Madoobe oo gaaray Xudur

|

Xudur (KAAB TV) – Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Sidoo kale, guddoomiye Aadan Madoobe iyo Wafidigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Xudur kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed, soo dhaweynta waxaa qeyb ka ahaa maamulka degmada iyo maamulka gobolka Xudur.

Dhanka kale, safarka Aaden Madoobe ayaa ayaa ujeedkiisa lagu sheegay sidii Koonfur Galbeed looga bilaabi lahaa dagaalka kadhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shalay gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay halkaas oo ay kajiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed, isagoo durba bilaabay kulamo siyaasadeed iyo abaabul dagaal.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News