SO | EN

Guddoomiye Aadan madoobe oo kulan la qaatay Guddiga Amniga Koonfur Galbeed

|

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta la kulmay Guddiga Amnigga Koonfur Galbeed, isagoo kala hadlay sugidda Nabadgelyada magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda.

Guddiga Amniga Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin guud ka siiyay xaaladda amniga ee deegaanka.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa Guddiga kula dardaarmay inay dardar geliyaan shaqada baaxadda leh ee looga baahan yahay, waxaana kulanka looga hadlay amniga isla-markaana lagu faray sugida Nabadgelyada guud ee magaalada iyo nawaaxigeeda lagana fogaado wax kastoo keeni kara xasarad iyo khilaaf.

Sidoo kale goobta shirka waxaa amnigeeda sugaya Ciidamada ATMIS iyo qaar kamid ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku adkeeyay Guddiga Amniga Koonfur Galbeed in laga taxdaro kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, isagoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay saraan tahay mas’uuliyad gaar ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News