Muqdisho (Kaab TV)– Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa qabtay kulan deg deg ah oo uu isugu yeeray guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Sacuudiga.
Kulankaan ooo laqabtay Jimcaha maanta ayaa wuxuu ka dhacay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa, waxaana ka goobjoog ahaa labada guddoomiye ku xigeen ee golaha shacabka.
Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa looga hadlay ajendayaasha kulamada golaha shacabka ee kalfadhigaan 3-aad, waxaana la qorsheeyay sidii goluhu uu kalfadhigaan uga shaqeyn lahaa wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka dalka.
Dhanka kale waxaa lagu hadlay sida loo maareyn lahaa heshiisyada caalamiga ah ee xukuumaddu ay gasho, la xisaabtanka golaha fulinta iyo hey’adaha kale ee dowladda.
Sidoo kale habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Nuux ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii kulanka guddiga looga hadlay, wuxuuna sheegay in la go’aamiyey in la qaato nidaam lagu sifeynayo habraaca kalfadhigaan 3-aad ee golaha.
“Waxaan ku heshiinay in kalfadhigaan la meel-mariyo heshiisyada caalamiga ah ee xukuumaddu gashay oo laga rabo in loo soo gudbiyo baarlamaanka, iyadoo lala xisaabtami doono xukuumadda,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Nuux.
Dhanka kale, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa guddiga joogtada ah ee golaha shacabka uga waramay safar uu ku tegay dalka Sacuudiga iyo waxyaabo quseeya shaqada golaha oo ay isku soo af fahmeen dhiggooda boqortayada Sacuudi Carabiya.