Garbahaarey (Kaab TV) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji Macalimuu oo kamid ah xubnaha uu dhawaan magacaabay Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Gedo.
Cismaan Nuur Xaaji ayaa shaaca sheegay in haatan uu ku sugan yahay gudaha degmada Garbahaarey, isla-markaana uu joogo xarunta maamulka, sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale wuxuu shaaciyay in kaliya guddoomiyaha cusub uu ka maqan yahay gobolka, isla-markaana wax dhibaato ah aysan ka jirin Gedo.
“Maamul hadda la diiday oo shacab ay diideen ma jiro maamulkaan dhamaan degmooyinka waa laga soo dhaweeyay, waxaana soo dhaweeyay shacabkii iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka wax culeys oo gaar ah hadda ma jiro” ayuu yiri guddoomiye Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu.
“Dadka dhibaatada inay wadaan aad maleyneyso ee baraha bulshada waa dad iska fowdo ah ayada oo dhib dhicin ayaa laga yaabaa in la yiraahdo dhibaato ayaa dhacday”.
“Xildhibaanada meelaha wax kasoo qoraya oo deegaan doorashadooda meel kale ay tahay waxaan arkaayay, ayaga oo laga yeerinaayo liiskii Baarlamaanka oo saddex kalfadhi laga la’yahay marka shaqadooda ha qabsadaan ayaan leeyahay” ayuu mar kale yiri.
“Waxaan arkaayay nin la yiraahdo Kulane Jiis oo aad uga hadlayo gobolka Gedo maxaa ka galay Dhib haddii la geystay Kulane Jiis asaa gobolkan horay uga geystay” ayuu sii yiri. guddoomiye Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu.