SO | EN

SO | EN

Guddoomiye ku Kigeenkii Degmada Wanla Weyn oo shirqool lagu dilay

|

Wanlaweyn (Kaab TV) – Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada ee maamulka degmada Wanla Weyn, Haashim Maxamed Shareere ayaa lagu soo waramaya in xalay lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe guddoomiyaha lagu dilay tuuladda Buulo Xaashi ee u dhow degmada Wanla Weyn, xilli uu ku sii jeeday Wanla Weyn.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kudaraya in guddoomiyaha ay waddada u galeen koox maleeshiyo ah ka dibna ay toogteen guddoomiyaha oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday Wanla Weyn.

Maleeshiyada ayaa la sheegay inay rasaas madaxa kala dheceen guddoomiyaha.

Dhanka kale, qoyska marxuumka ayaa sheegay in dilka uu dhacay saacado markey aheyd 1:00 habeennimo ee saqdii dhexe, isla-markaan shirqool lagu dilay guddoomiyaha, sida ay hadalka u dhigeen.

Goobta uu falka ka dhacay waxaa tagay ciidanka dowladda kuwaas oo soo qaaday meydka, ayna geeyeen degmada Wanla Weyn.

Dhanka kale, illaa hada lama oga kooxdii falkan geysatay iyo sababta keentay in ladilo Guddoomiye ku Xigeenkii Arrimaha Bulshada ee degmada Wanla Weyn Haashim Maxamed Shareere.

Sidoo kale, degmada Wanla Weyn waxaa marar badan kadhacay dagaal beeleedyo taas oo keentay in horumarka degmada uu hoos udhac ku yimaado, sidoo waxaa jiro is qab-qabsi maamul.

Degmada Wanla Weyn iyo agagaarkeeda ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan iyo sidoo kale waxaa ka dhaca dagaallo geysta khasaare dhimasho iyo dhaawac.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News