MUQDISHO (KAAB TV) – Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa si kulul ugu hadlay weerarkii askarta badan ay ku dhinteen ee ka dhacay , Kulliyadda Jaalle siyaad ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Madoobe ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay weerarkaas oo uu sheegay in la fududeeyo in qofka is qarxiyay uu gudaha u galo xarunta gaashaandhiga.
Waxa uu yiri ‘’ Tuhun badan ayaa ka qabaa sida suurtagal ay u tahay in meel aad loo ilaaliyo uu galo qof naftii haliga ah ‘’
Guddoomiyaha Golahas shacabka Sheekh Madoobe ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in laamaha amniga ay sameeyaan baaritaan deg deg ah oo la xiriira sida ay wax u dhaceen.
”Shaki iigama jiro in la fududeeyay qaraxii Kulliyadda Jaalle Siyaad, jawaab cad ayaa looga fadhiyaa Taliska Xoogga dalka” ayuu hadalkiisa raaciyay Madoobe
Isagoo si carro leh uga hadlayay weerarkaasi waxa uu tilmaamay in masuuliyad darro weyn ay ka dhacday xerada qaraxa ka dhacay, waxa uuna sheegay in khaa’imiin ciidanka ka tirsan in uu uga shakisan yahay in weerarkaasi fududeeyeen