Muqdisho (KAAB TV) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa maanta shixnad daawo ku taageeray Ciidamada difaaca degaanka ee loo yaqaan Macawiisleeyda ee Gobolka Hiiraan kuwaasi oo ku jiray dagaalo qaraar ay kala soo horjeedaan Kooxda Al shabaab.
Guddoomiye Muungaab ayaa si gaar ah shixnadaan daawo ku wareejiyay xildhibaanada degaan doorashadoodi tahay Gobolka Hiiraan si ay hogaanka Macawiisleeyda ugu wareejiyaan taageeradaasi uu Maamulka Gobolka Banaadir ugu talagalay si ay u xoojiso agabka caafimaad ay haystaan.
Guddoomiye Muungaab oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay u leedahay Maamulka Gobolka Banaadir inuu garab istaago, Macawiisleeyda iyo cid waliba oo la dagaalamaysa Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ay waajib ka saaran tahay inay taageero nooc walba la garab istaagaan.
“Walaalaha Reer Hiiraan ee la dagaalamaya Al shabaab waan garab taaganahay. Qabiilada kale ee meelaha iska fadhiya waa inay ku daydaan” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo ka hadlaayay munasabadaan shixnadda daawooyinka ee xildhibaanada uu ku wareejinayay.
Shixdaan dawooyinka caafimaad oo isugu jiray agabka gargaarka degdega ah, dawooyin iyo agab kale oo caafimaad ayaa la filayaa in dhowaan ay gaari doonto ciidanka Macawiisleeyda waxaana gargaarkaan ay qeyb ka tahay dadaallada socda ee dowladda Soomaaliya ay ku xoojineyso garab istaaga ciidamada degaanka ee ku howlan la dagaalanka kooxda Al-shabaab.