MUQDISHO (KAAB TV) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa u ambabaxay safar shaqo oo uu kula kulmayo dhiggiisa dalka Jabuuti, Dileita Maxamed Dileita.
Ilo wareedyo ku dhow dhow arrintan ayaa xaqiijiyay in labada Guddoomiye ay wada tashiyo ku doonayeen in xiriir dhow uu dhexmaro Baarlamaankooda. Ajandaha ayaa waxaa ka mid ah in la wadaago aragtida xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti iyo sidii loo sahmin lahaa wadashaqeyn dheeri ah iyo isdhaafsi aqooneed.
Guddi gaar ah oo loo xilsaaray horumarinta xiriirka iyo walaaltinimada Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa si weyn uga qeyb qaatay u diyaar garowga kulanka heerka sare ah. Wada-hadallada guddiga ayaa diiradda lagu saaray istaraatiijiyad lagu kordhinayo inta jeer ee shirarka u dhexeeya wakiillada baarlamaanka ee labada dal, iyadoo la doonayo in la sii qoto dheereeyo isfaham iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh.
Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u dhisay guddiyo gaar ah oo ujeeddadoodu tahay xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Baarlamaannada dalka ka jira. Guddiyadani waxay door muhiim ah ka ciyaaraan fududaynta wada-hadallada iyo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyagoo gacan ka geysanaya dadaallada diblomaasiyadeed ee ballaaran ee gobolka.
Kulanka soo socda ee ay yeelanayaan Guddoomiyaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa hoosta ka xariiqaya sida ay uga go’an tahay labada dal sidii ay u abuuri lahaayeen iskaashi waara iyo hannaan iskaashi oo faa’iido u leh shacabkooda.

