SO | EN

SO | EN

Guddoomiyihii degmada Aadan Yabaal oo xilka laga qaaday

|

Jowhar (KAAB TV) – Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabelle, ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe Cumar Macallin Cabdulle, oo bannaan joog ka ah degmada uu guddoomiyaha ka yahay.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa wareegtada uu xilka uga qaaday guddoomiyaha degmada Aadan Yabaal ku sheegay xil gudasho la’aan, xilli la ogyahay in degmada Aadan Yabaal gacanta ugu jirto kooxda Al Shabaab oo bilooyin kahor dagaal kula wareegtay.

Dhanka kale, dad badan oo arkay warqadan xil ka qaadista ayaa layaab ku tilmaamay xil ka qaadista guddoomiye aan tagi karin degmadii uu ku magacawnaa, waxa ayna dadka isweydiiyeen sida uu degmada Aadan Yabaal ku tagi karo masuulka kale ee xilka degmadaasi loo soo magacaabi doono.

Sikastaba, inta badan deegaannada iyo degmooyinka dhaca gobolka shabeellaha dhexe ee maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa gacanta ku haya kooxda Alshabaab, waana meelaha ugu badan ee Alshabaab kaga sugan yihiin gobolada dalka, waxaana xusid mudan in gobolka Shabeellha dhexe uu ahaa gobolkii ugu badnaa ee lagula dagaalamay Alshabaab lagana saaray kooxda, balse ay markale dib ula wareegeen goobihii laga saaray.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News