Garoowe (Kaab TV) – Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Somaaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kadib markii isaga baxay guud ahaan maamulka Somaliland.
Cabdirisaaq Khaliif ayaa maanta qasriga madaxtooyada Puntland kulayeeshay madaxweyne Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Karaash oo si ween ugu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, oo markii ugu horeysay uu tago Garoowe tan iyo markii uu iska casilay xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliland tdodobaad kadib.
Kulankan hordhaca ah ayaa liskaga wareystay xaaladaha dagaal ee wali kajira Laascaanood, iyadoo wali duqeymo ay ka socdaan.
“Waxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinimadii golaha iyo xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa,” ayuu yiri markii uu xilka iska casilaayay.
Cabdirisaaq Khaliif oo si weyn ay u kala fogaadeen Somaliland kadib dagaalka bilooyinka ka socda Laascaanood ayaa tallaabadan qaaday kadib markii xukuumadda Somaliland ay ka gudbisay dacwad ay ku dalbaneyso in la lumiyo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada.
Cabdirisaaq Khaliif ayaa 11-kii bishaan June, 2023 iska casilay xilka guddoomiyaha golaha wakiillada Somaaliland, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan magaalada Laascaanood.
Hasayeeshee, tagitaankiisa magaalada Garoowe ayaa sii kicineysa xiisadda haatan Puntland kala dhexeysa Somaliland, taas oo sii laba kacleysay, kadib markii uu qarxay dagaalka Laascaanood.