Beledweyne (Kaab TV) – Cali Jeyte oo maanta magaalada Beledweyne ka dhagax-dhigay madaxtooyo cusub oo maamulkiisa Hiiraan State uu sameysanaayo.
Sidoo kale Jeyte ayaa dhaar ku maray in reer Hiiraan ay dhisa doonaan madaxto taas oo nqon doonin igu sawir aysan ka noqon doonin, wuxuu sheegay in hadda ay ka baxayaan tabasho ay qabeen tan iyo xornimadii dalkaan.
Dhanka kale, Cali Jeyte wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay nin dan-gaar ah ka leh reer Hiiraan, isagoo qaatay dhowr tusaale oo eedeyntiisa uu u soo daliishaday.
“Tani waxay u baahan tahay fasiraad dheeri ah, Sheekh Shariif wuxuu gobolka Hiiraan u kala saaray labo gobol, Hiiraan iyo Shabeellada Sare ayuu u kala qeybiyey, waan heynaa dikreetadaas, ayadaana ku dhaqmi doonaa” ayuu yiri Cali Jeyte.
“Xilkii uu Sheekh Shariif kala wareegay waa sharci, laakiin dikreetadii uu soo saaray intii uu xilka haayey sharci maaha, Xasanow is qabadsii,” ayuu yiri Cali Jeyte.
“Magaalada Muqdisho 16 degmo ayey aheyd, hadana waa 17 degmo, waxaana ka dhigay Sheekh Shariif, hadda waa sharci dikreetadaas, mida Hiiraan-na sharci maaha, arrintaas inuu miisaan saaro ayaan ka rabnaa Madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu yiri Cali Jeyte.
Hasayeeshee, Cali Jeyte wuxuu sheegay in reer Hiiraan siyaasiyan wax loogu diidan yahay, laakiin aan sharci wax loogu diidaneyn, “Markii nalaku xisaabtami jiray waan ka baxnay, hadda inaan xisaabtanaan diyaar u nahay,” ayuu Cali Jeyte ka yiri goob uu ka dhagax dhigay madaxtooyo uu yeelanayo maamulkiisa Hiiraan State.