SO | EN

SO | EN

Guddoomiyihii xiriirka ciyaaraha fudud Khadiijo Aadan oo diiday shaqa joojinta lagu sameyay

|

Muqdisho (KAAB) – Guddoomiyihii Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Somaaliya Marwa Khadiijo Aadan Daahir ayaa ka soo horjeesatay shaqo joojinta lagu sameeyey.

Sidoo kale, waxay sheegtay in gudoomiye Ku-xigeen keeda uusa shaqo ka joojin ku sameyn Karin maadaama ay doorasho ku timid.

Waxay  sheegtay in xil ka qaadisteeda ay ku imaan karto oo kaliya haddii dhammaan xubnaha soo doortay ay u fariistaan inay xilka ka qaadaan.

“Hadda waxaa i dhinac fadhiya oo ila jooga guddoomiye ku-xigeenka Mustaf waxaa kaloo ila jooga seddex xubnood iyo ku-simaha Xoghayaha, waxaan sheegayaa marka inaan qabannay shir, shirkaasoo ku saabsan warqadii shalay soo baxday inaan beeninno inay tahay wax kama jiraan sababtoo ah xil igama qaadi karo Faarax Cali Macalin’’ ayay tiri Marwa Khadiijo Aadan.

Dhanka kale, qoraal ka soo baxay Xiriirka Ciyaaraha Fudud ayaa lagu shaaciyay in shaqadii laga joojiyay Khadiija Aadan Daahir, kadib dhacdadii FISU World Games ee ka dhacday magaalada Chengdu ee dalka Shiinaha.

Eedaha shaqada looga joojiyay Khadiijo Aadan Daahir waxaa ka mid ah inay tartankaas u dirtay gabar ay habaryar u tahay oo aan u diyaarsaneyn, taasoo abuurtay fadeexad aad u xooggan oo Soomaaliya iyo caalamkaba si weyn looga hadal hayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News