MOGADISHU (KAAB TV) –Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka uu si rasmi ah u furmi doono maalinta sabtida ee soo socota oo ku beegan 20-ka September 2025.
Go’aankan ayaa yimid kaddib kulamo wadatashi ah oo ay yeesheen Guddoonka Labada Aqal, kuwaas oo lagu gorfeeyey arrimaha la xiriira furitaanka kalfadhigan cusub.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa ugu baaqay dhammaan Xildhibaanada iyo Senatarada in ay si rasmi ah u soo xaadiraan, si ay uga qeyb qaataan howlaha horyaalla Baarlamaanka.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa in kalfadhigan 7-aad ay diirada ku saaraan arrimaha dib u eegista Dastuurka iyo in dalka loo jiheeyo Doorasho la isla ogol yahay.
Warar soo baxayay maalmahan ayaa sheegayay in qaar kamid ah Xildhibaannada ay mooshin ka wadaan Xukumadda Federaalka Ra’iisul wasaare Xamse, balse ma jiraan ilaa hadda wax uu shaaciyay guddoonka.
Sida Dastuurka qabo, kalfadhiyada baarlamaanka ayaa waxaa furaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
21 kii June 2025 ayaa la xiray kalfadhigii 6aad ee Baarlamaanka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, iyadoo Xildhibaannada iyo Senetarada la faray in ay dib ugu laabtaan deegaan Doorashadooda.


