SO | EN

SO | EN

Gudoomiyaha golaha shacabka oo gaaray Baraawe

|

Baraawe (Kaab TV) – Gudoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose iyadoo halkaas ku soo dhoweeyay madaxweynaha dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha Koofur galbeed  ayaa Kulamo la qaadanaya Maamulka, saraakiisha ciidanka iyo Bulshada Reer Baraawe.

Amniga Magaalada Baraawe oo ah Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa aad loo adkeeyay, waxaana halkaasi ku sugan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in magaalada Baraawe ay ka socoto qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed maadaama gddoomiyahoodii Cali Saciid Fiqi uu kamid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News