SO | EN

SO | EN

Gunta khilaafka qoyska Xasan Sheikh iyo falkii sababay dhaawaca garabka bidix

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Labada xaas ee madaxweynaha ayaa muddo khilaaf ka dhex jiray kaasoo salka ku haya in marwada weyn Qamar Cali Cumar ay diiday in kaalinta marwada koowaad ay la wadaagto xaaska labaad Sahro Cumar Xasan oo loo yaqaano Sahro Indhayar.

Arrintan ayaa bilawgeedii ka timid 2012 -2017 markaasoo Xasan Sheekh uu noqday markii ugu horreysay madaxweyne. Marwada weyn Qamar ayaa xilligaas diiday in haweeneyda minyarada Sahro ay soo degto xarunta Madaxtooyada Villa Somalia oo qoyska madaxweynuhu caadi ahaan ku nool yihiin. Buuqa arrintaa ka dhashay ayaa sababay in Madaxweyne Xasan uu xaaskiisa labaad u raro dalka Turkiga oo uu guri uga iibiyay marwo Sahro iyo carruurteeda.

Markale ayuu khilaaf kii la mid ah qarxay markii uu Xasan Sheekh ku soo laabtay xilka madaxtinnimada May 2022. Waxaase markii dambe xaaladda galay oo xalliyay odayaal beeleed ku heyb ah Qamar oo ku qanciyay in Sahro iyo carruurteeda loo oggolaado inay Villa Somalia soo degaan.

Dagaal gacan ka hadal ah

Arrin kale oo khilaafka sii cakirtay ayaa ah in marwo Sahro Cumar oo ka soo jeeda Abgaal/Daa’uud ay dhowr jeer cabasho ka keentay in mashaariic dhaqaale oo tiro badan ay isku koobtay marwo Qamar keligeed, halka Sahro iyo qoyskeeda xitaa aysan waxba ka helin xilalka maamulka Gobolka Banaadir.

Dhacdooyinka carada dhaliyay in odayaal uu ku jiray Muuse Suudi Yalaxow oo beesha Daa’uud/Abgaal ay dhowr jeer marwo Sahro ka codsadeen inay Xasan Sheekh la kulansiiso si ay ugala hadlaan xilalka la baalmariyey beesha Daa’uud. Balse ma suuroobin. Hase yeeshee maalin ay ballan la’aan odayaasha ku yimaadeen guriga Sahro Cumar ee Villa Somalia ayuu madaxweynuhu ku qasbanaaday inuu la kulmo odayaasha Daa’uud ee ku heybta ah marwo Sahro.

Bishii March 2022 waxaa Muqdisho duulimaad ka bilawday shirkadda FlyDubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta. Faa’iidada ka soo baxda ticket-yada diyaaraddan ee laga goosto Soomaaliya ayaa qeyb ahaan u xaroonaya xaaska koowaad ee Xasan Sheekh Qamar oo keenista FlyDubai. kula soo shirkowday xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa iyo xubno ka tirsan kooxda Dam Jadiid.

Sahro Cumar oo rajeyneysay in mashaariicda odeygeeda dalka ka boobayo wax ka hesho ayaa aad iga carootay mashruuca FlyDubai ee ay qaadatay Qamar.

Marwo Sahro intaas kaliya looguma ekeyn. 13kii March 2023, waxaa dadkii degganaa laga barakicyay guryihii hore ee shaqaalaha Bangiyada Soomaaliyeed (Bangaariyo) oo ku dhow hotelka Jazeera ee saaran waddada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde. Waxaase warbaahinta lagu faafiyay warqad jahwareerin ahayd oo sheegeysay in Bangiga Dhexe uu dhisanayo dhulkaasi, hase ahaatee xaqiiqadu waxay ahayd heshiis marwo Qamar ay qeyb ka tahay oo lala soo galay Hotelka Kempnsiki ee Jabuuti iyo Bangiga Premier ee Muqdisho si suuq iyo goob hotel ah oo ay shirko ku yihiin ganacsatada Kempski ee Jabuuti, xaaska Xasan Sheekh iyo Premier Bank looga dhiso.

Siduu ku dhaawacmay madaxweyne Xasan Sheekh?

Bilihii lasoo dhaafay ayuu khilaafka ka dhex taagan qoyska Xasan Sheekh uu sii xoogeystay, wuxuuna gaaray heer labada haween ee ku wada sugan Villa Somalia ay kala xirtaan midba qeybta ay ka deggan tahay Villada, taasoo xitaa cakirtay hawlwadeenada la shaqeeya madaxweynaha oo marba meesha uu joogo kula shaqeeya.

Khilaafkaasi oo taagan ayuu kasoo laabtay magaalada Dhuusamareeb oo uu madaxweynuhu muddo labo bilood u joogay hawlgallada la xiriira dagaalka Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo nala hadlay oo ka tirsan Villa Somalia, gacan ka hadal dhexmaray madaxweynaha iyo xaaskiisa minyarada Sahro Cumar ayaa sababay in bartamihii Oktoobar uu nabar culus kaga dhaco qeybta dambe ee garabka bidix. Markii uu tagay isbitaalja Dubai waxay dhakhaatiirtu u sheegeen in dhiig fariistay garabka salkiisa ayna qasab tahay in qalliin fudud lagu sameeyo si dhiigga looga saaro.

Wuxuu halkaasi ku qaatay labo toddobaad isagoo ugu dambeyn ka safray galabnimadii Khamiista ee 9 November 2023, markaasoo dadweynuhu arkeen madaxweynaha oo diyaarad kaga degaya garoonka magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudi Arabia isagoo ay gacanta bidix u shakaalan tahay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News