AFGOOYE (Baraarug) – Guurka deg-degga ah ayaa weli si weyn u saameynaya rajada gabdhaha deegaanka ee doonaya inay helaan waxbarasho sare, halka amni-darrada, daroogada iyo takoorka ku dhisan qabiilka ay sii wiiqayaan mustaqbalka guud ee dhallinyarada gobolka.
Shabeellaha Hoose waa mid ka mid ah gobollada ugu hodansan Soomaaliya oo leh kheyraad beeraha, badda iyo xoolaha.
Dood Madasha Baraarug, ayay dhallinyarada deegaanka ayaa kaga hadlay caqabadahan iyo aragtidooda, intii lagu guda jiray kulan lagu qabtay magaalada Afgooye.

