MUQDISHO (KAAB TV) – Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa hadal heynta Soomaalida si weyn u heystay sheekada guurka qaaliyoobay oo sababay in dhallinyarada qaarkood ay u bareeraan inay u guur doontaan dalka Morocco oo ah dal Carbeed, haddana ku yaalla qaaraddan Afrika.
Shareecada Islaamka siday qabto, heshiiska guurka – waxaa loo yaqaannaa nikaax, kaas oo ah heshiis dhexmara lamaanaha is doortay. Dhaqanka Soomaalida, guurku wuxuu markasta ahaa xarig adag oo qeyb ka qaata dhismaha qoysaska iyo isku xirka qeybaha kala duwan ee bulshada. Tusaale, maahmaahyada Soomaalida waxaa ku jirta maahmaah dhahaysa “dhalyo fogaatay guur ayaa lagu soo dhoweeyaa” oo loola jeedo in haddii la rabo in qoysas kala fog xagga dhalyada in la isku soo dhoweeyo- gaar ahaan xilliyada colaadaha – in loo adeegsan jiray in lakala guursado.
Hase ahaatee, sida bulshada isu bedeleyso ayuu guurkii Soomaalidana isu bedelay. Aroosyadii guryaha iyo xaafadaha ka dhici jiray waxaa loo raray hotellada waaweyn; gelbiskii iyo ciyaar dhaqameedkii waxaa bedelay qoob ka ciyaar wata music; yaradka iyo kharashka doonista ee gabdhaha reerkooda ay qaataan waxaa sii dheer dahab iyo taaj kumanaan doolar jooga. Sidaas oo ay tahay dhallinyarada Soomaaliyeed in ka badan 20% waa shaqo la’aan, sida ay sheegeyso QM.
Waa taas sababta rag badan oo Soomaaliyeed ay maanta u hanqal taagayaan inay miciin bidaan guurka gabdhaha ajnabiga, oo sida ay sheegayaan guurkoodu uu ka qiimo jaban kuwa Soomaalida.
Laakiin ma khasaare mise faa’iido? Maxaa ka run ah in guurka ajnabiga uu ka fiican yahay kan Soomaalida? Sideyse u arkaan gabdhaha iyo ragga Soomaalida ee dhallinyarada ah? – Waa mowduuca sheekada Kaab TV.