MUQDISHO (Kaab TV) – Mawduuca ku saabsan guurka waa dood aan dhammaanin oo ka dhex taagan jiilka da’yarta. Waxay saameyneysaa xiriirka qoysaska waxayna xitaa noqotay qeyb ka mid ah aqoonsiga dhaqanka iyo xiriirka qabiilka.
Si kastaba ha ahaatee, bulshada casriga ah ee ay ku kordheen baraha bulshada, caadooyinka bulshada ayaa isbedelaya.
Ragga iyo dumarka da’yarta ah ayaa durba halgan ugu jira in ay wax ka beddelaan aaminsanaanta soo jireenka ah ee ku saabsan guurka qabiilka dhexdiisa.
Sida ay qaar sheegaan, isbeddelkan waxa loo arki karaa mid wanaagsan, halka kuwa kalena ay u arkaan mid taban.
Sida uu Mukhtaar sheegay, habka cusub ee shukaansiga iyo guurka ee Soomaalida casriga ah ayaa sidoo kale horseeday koror ku yimid dhaqanka ku saleysan xadgudubyada dumarka, furriinka badan, iyo rabshadaha loo geysto gabdhaha da’da yar.
Balse Ayaan oo ah gabar da’ yar oo ku nool Muqdisho ayaa eedda saaraysa gabdhaha waqtigan iyadoo sheegeysa inay noqdeen kuwo ka beyray dhaqankii suubanaa.
Waxaan wareysannay dhallinyaro badan si aan u maqalno aragtidooda.