SO | EN

SO | EN

Hakan Fidan oo sheegay in lasii ambaqaadi doono wadahadalada Ethiopia iyo Soomaaliya

|

New York (KAAB TV) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa Magaalada New York kula kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie, iyo Somaliya Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale, Hakan Fidan ayaa labada Wasiir kala hadlay sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadalka lagu soo afjarayo khilaafka labada dal.

Dhanka kale, Turkiga ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada ay ku dhexdhexaadinayaan Itoobiya iyo Soomaaliya, si looga gudbo ismari waaga ka dhashay heshiiskii Addis Ababa ay kula saxiixdeen maamulka gooni isu taagga ah ee Somaliland.

“Hannaanka Ankara wuu sii socdaa, waxaana go’aansannay inaan ka shaqeyno sidii loo heli lahaa xal dheellitiran, macquul ah oo labada dhinacba faa’iido u leh si loo yareeyo xiisadaha jira,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News