SO | EN

SO | EN

Halgankii Sheekh Xasan Barsane: Duulaankii Talyaaniga iyo Xabashida

|

Hordhac

Halganka gobonnimadoonka ee Sheekh Xasan Barsane, laguna difaacaayay lagu difaacaayay dhulka Soomaaliyeed, waxaa sees u ahaa oo shidaalinaayya Islaamnimada. Xiriirkii uu sheekha kusoo sameeyay dhulka Xijaas, waxay dhaxalsiisay ballaarinta baaxadda halganka kaddib markii uu qayb ka noqday matalaadaha dunida Islaamka ee halganka kula jira gumaysiga. Adduun aragga ballaaran ee Sheekha ee dhulka Makah uu kasoo helay, la socodka halgamadii dunida ka socad sida Mahdiga Suudaan, waxay abuureen inuu su’aal galiyo gumaysidoonka kusoo qulqulaayo qaaradda Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaaliyeed oo loo arkaayay mid beylah ah. Laxawga Sheekha wuxuu keenay inuu dadka kusoo kordhiyo hab-maamul, waaya-aragnimo iyo abaabul hor leh, kaaso oo ujeedka yahay in la difaaco dhulka, dadka iyo diinta Islaamka.

Baresafsoor Maxamed Xaaji Mukhtaar wuxuu halganka Sheekh Xasan Barsane ku tilmaamay inuu ahaa halgan ay Soomaali ku mideysneed, ayna difaacaayeen dhaqaalaha ummadda iyo diinta Islaamka. Waxay tani gundhig u ahayd dadaallada uu sheekha ku baadigoobaayay Soomaaliweyn, laguna difaacaayay Qowmiyadda Soomaaliyeed, taasoo ay kaalin ku lahaayeen reeraha laga xusi karo; Gaaljecel, oo uu sheekha ka dhashay, Moobileen, Abgaal, Shiidle, Xawaadle iyo Baadicadde. Qodobadaas uu sheekha ku dul-dhisay halgankiisa waxay ka dhigtay halgan ummadeed oo dhan walba loo dhanyahay, taasoo ilaa maaanta miraheeda ay miraheeda u aayaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ku matalaayay iska-caabinta gumaystaha Talyaaniga iyo Xabashida.

Dhalashada iyo Hanaqaadkiisa

Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed oo caan ku ah Sheekh Xasan Barsane, wuxuu sanadkii 1853dii ku dhashay deegaanka Ubaadi oo in ku dhaw 80km u jirta degmada Jowhar. Aabihiis Sheekh Nuur, wuxuu ahaa caalim diineed kaas oo hogaan u ahaa jameecada Balad Ubaadi oo la asaasay sanadkii 1848, kalkaas oo uu bulshada ku bari jiray diinta islaamka iyo axkaamteeda, wuxuuna dadka ku boorin jiray inay adduun iyo aakhira ba u shaqaystaan. Sida uu qofka goor kasta u yahay deegaankiisa, qoyska sheekha oo ahlu diin ah waxay saamayn ku yeelatay qaabaynta mustaqbalka.[1] Sheekh XBarsane taniyo yaraantiisa, koritaankiisa, ilaa noqoshada caalim iyo halgamaa waxay martay heerar uu kaga dhex tallaabay goobo iyo goor kala duwan, waxaana u kala qaadi karnaa saddex marxalad; Ubaadi, Xernimo, iyo Tagidiisii Xajka.

Waxaa heerka Ubaadi saamayn xooggan ku lahaa barbaarinta aabihiis oo seeska u adkeeyay, dhan walba, fikir, saqaafo iyo dhaqan bulsheed. Waxay tani dhalisay inuu Sheekh Xasan uu qaado jidka adoogiis ee dariiqada Suufiyada, taasoo ahayd isbeddelka koowaad ee uu la kowsaday sheekha. Heerka labaad ee Xernimada, waxay ka billaabanaysaa marka uu gaaray da’da labaatanaad, waxa Sheekh Xasan Barsane iyo aabihiisa isla garteen inuu u safro degaanno kale si uu aqoontiisa u korosado kana doonta meel walba oo uu kaga haqab-beeli karo baahida diineed. Sidaas darteed, wuxuu u safray degaanka Mareereey Aw-Xasan ee hoos timaaddo degmada Afgooya oo Muqdisho u jirta 30kn. Marxladdaan wuxuu sheekha la kulmay culimo waaweyn oo uu diinta ka korosado, uguna weynaa Sheekh Maadow Casharoow. Wuxuu hayaankaasi kaga sii gudbay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu mar kale fursad u helay inuu wax ka barto culima waaweyn. Ugu danbeyn geediga aqooneed ee uu sahanka ugu jiray waxa uu gaaray Soomaali Galbeed halkaas oo u noqotay goob uu mar kale culimo ka helo. Dhammaan socdaalladaani uu sheekha iskaga goosay degaannadaasi waxay billow u ahaayeen inuu noqdo caalim diineed oo hanto martabadda qiimaha badan ee Sheekh.[2]

Heerka u danbeeyay waa safarkii Makka oo uu labo jeer tagay kuna soo gutay waajibka xajka, tiirka shanaad ee Islaamnida, waxayna ku beegneed dhamaadka sanadkii 1880naadii. Sheekha inta uu ku sugnaa Sacuudi Carabiya wuxuu fursad u helay inuu barto sooyaalka ballaaran ee caalimka reer Marooko asaasaha dariiqada Axmadiya Sheekh Axmad ibn Idris al-Faasi (1760–1837) iyo wadaadka reer Suudaan ee Muxammad Axmad al-Mahdi (1844–1885). Waxa uu toos ula kulmay asaasaha dariiqada Saalixiya Sheekh Muxamed Binu Saalax al-Rashid (1918), iyo Sheekh Soomaaliyeed Maxamed Guuleed oo kamid ahaa xerta Sheekh Muxamed Binu Saalax, oo ahaa qofka koowaad ee Dooxada Shabeella keenay dariiqada Saalixiya[3]. Ugu danbeyntii, wuxuu sheekha dalka kusoo laabtay asiga oo fikir ahaan isbeddelay oo uu ballaartay adduun aragiisa, wuxuuna kusoo beegmay  iyadoo Gumaystaha uu Afrikada Bari isku fidinaayo, kaddib heshiiskii Barlin 1884, gaar ahaan gumaystaha Talyaaniga, Ingiriiska iyo Faransiiska. Waxaa baryahaas si weyn u socotay oo culimada iyo guud ahaan bulshadaba aad afka ugu hayeen ama ka sheekaysanaayeen, dagaalkii ka socdey dalka Suudaan oo uu Maxamad Al-Mahdi hormuudka ka ahaa. Waxaa goobtaasi joogay culimo badan oo dariiqooyin kala duwan haysata oo goor iyo goob kasta faallayn jiray jihaadka iyo fadligiisa. Dhulka Xijaas waxay guud ahaan culimada Soomaaliyeed u aadi jireen si joogta ah iyaga oo kulamo la qaadan jiray madaxa dariiqada Saalixiya[4].

Hagalkii la hilmaamay ee Sheekh Barsane.
Hagalkii la hilmaamay ee Sheekh Barsane.

Dr. David H. Marlowe, waxa uu xusayaa in Sheekh Xasan Barsane kamid ahaa dadkii ugu horreyay ee ku biira dariiqada Saalixiyada, taasoo muujinaysaa in Sheekh Xasan muddada saddexda sano ee uu dhulkaasi ku sugnaa fursad u helay islamarkaana uu qayb ka ahaa fadhiyada diineed ee uu hormuudka ka ahaa Sheekh Maxamed Saalax. Rubacii ugu danbeeyay ee qarnigii 19aad ilaa horaanta qarniga 20aad, oo ay quwadaha Yurub isku fidinaayeen inay gacanta ku dhigaan Geeska Afrika, ayaa waxay culimada islaamka noqdeen hormuudka iyo hogaanka muqaawamada Soomaalida. Waxay culimadaani difaaca dhulka muslimiinta u arkayeen waajib islaami ah, kaas oo lagaga soo horjeedo Kirishtaanka duulaanka ah; Talyaaniga, Ingiriiska, Faransiiska, iyo Itoobiyaanka. Waxaa fatradaani loo yaqiinay “Casriga Shuyuukhda”, sida uu ugu magac daray Barefasoor Saciid Samatar.[5]

Kusoo Laabshada Dalka

Sheekh Xasan Barsane oo muddo saddex sano ku maqnaa magaalada barakaysan ee Makkah, ayaa wuxuu dalka kula soo laabtay aqoon diineed uu muddadaasi bowsaday iyo xiriirka dariiqada Saalixiyada. Wuxuu Sheekha soo laabtay asiga oo gaaray darajada Xaaji. Waxa uu kusoo beegmay xilli aabihiis, Shiikh Nuur Axmed, uu qaabeeyay mustaqbal siyaasadeedka jameecada. Intaa kadib, sanadkii 1890kii si uu Xaaji Xasan u qaato kaalintiisa hogaamineed wuxuu la yimid isbeddel ballaran, waxa uuna asaasay xarunta cusub ee Jameecada Mubaarak Baled-al-Kariim oo u dhaw deegaanka Ceeldheere ee Shabeellaha Dhexe. Sheekha, wuxuu muddadaasi ku guulaystay inuu sameeyo Gole Shura, oo ka kooban oday-dhaqmeed, culimo iyo waxgaradka degaannda. Sanadka 1897dii wuxuu qabtay shirweyna lagaga arrinsanaayo aayaha jameecada waxaana lagu go’aamiyay in jameecada loo raro Jilyaale[6] oo ahayd dhul beeraley[7]. Waxa uu go’aankaani ahaa mid kamid ah go’aannadii waaweynaa ee ay golaha gaaraan, kaasoo dib u qaabeeyay dhaqan-dhaqaalaha iyo baaxadda jameecada. Sheekh Xasan Barsane wuxuu dadaal ku bixiyay ka hortagga gacansiinta gumaystaha, kuwaas oo dad badan oo Soomaaliyeed duufsaday qaarna muquuniyay si ay ugu noqdaan adeegayaal, taasoo dhalisay iskuday ballaaran oo lagu soo furanaayo tirada kooban ee uu gumaystaha addoonsado. Waxay dadaalladaani ahaayeen natiijo samaayn buuxdo ku yeelatay adduun aragga bulshada ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya, inkasstoo uu Barefasoor Maxamed Xaaji Mukhtaar uu ku doodaya inay aad u yaraayeen dad Koonfureed oo gumaystaha u noqday askar, tarjubaan, shaqaale iyo waxii la mid ah.

Isbeddelkaani hogaamineed, waxa uu sheekha kusii kasbaday xurmadii iyo xushmada uu ku helay u adeegidda diinta, asiga oo noqday hogaamiye siyaasadeed. Waxa uu wax-ka-baddel ku sameeyay xeer-dhaqameedkii, waxa uuna waafajiyay shareecada Islaamka, waxa uuna qaatay kaalinta u kala garsoorka bulshada, asiga oo olale xooggan u galay ku dhaqanka shareecada Islaamka. Is-bedellada uu sheekha sameeyay waxaa kamid ah kuwa la xiriira dhaqan bulsheedka guunka ah, waxa uuna billaabay fadhiyo diineed oo uu funuunta kala duwan dadka ku baraayo. Sidoo kale, qaab-dhismeedka hogaamineed ee dariiqada waxay ahayd awood baahsan waxa uuna u rogay awood dhexe oo sal looga dhigay ogolaanshada iyo talada oday-dhaqameedyada laguna dhisay Gole Shuura. Sidaas darteed, waxa ay go’aan qaadashada sheekha ahayd mid ku dhisan shuura, sida aan ka arki doonna go’aannada masiiriga ee halganka sheekha.[8] Soo noqoshada Sheekh Xasan, waxay Talyaaniga ku beertay walaac hor leh, waxayna billaabeen inay u diraan ergo xuuraansi kasoo sameeyo degaannada uu sheekha jooga. Waxay tani dhalisay inuu Sheekha durba dareemo is fidinta gumaysidoonka, wuxuuna sii xoojiyay iskacaabinta gumaystaha ee lagaga xoreynaayo guud ahaan Soomaaliya, isaga oo qalcad ka dhistay Taytayley, inakstoo ciidamada Talyaaniga ay cagta mariyeen fariisintaasi[9]. 

Iskacaabintii Xabashida

Sanadkii 1905-kii, waxaa Talyaaniga iyo Itoobiya tartan u galeen iskufidinta dhulka Soomaalida, waxa uuna sanadkaasi ku beegnaa markii Saldanadii Sansibaar ay Talyaaniga heshiis la gashay si ay u gaaraan xeebaha, sidaas darteed Sheekh Xasan iyo jameecadiisa ma aysan la kulmin saamayn toos ah oo kaga imaanayso dhanka gumaystaha Talyaaniga. Dhanka kale, goortii ay Xabashada ku gacansarraysay goobtii Adduwaa ee ay kaga adkaatay Talyaaniga, ayaa waxay guushaasi usoo hoyday qaddarin iyo soo dhawayn ay ka hesho reer Yurub, taasoo siisay fursad ay qayb kaga noqon karto boobka qaybsigii Afrikada Bari. Waxa uu Menilik is tusay inuu qabsan karo Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta, wuxuuna qorsheeyay inuu dhulkaasi kaga hormaro Talyaaniga. Horaanta qarnigii 20aad wuxuu soo gaaray Balcad, waxaase uu kala kulmay filan-waa, kaddib markii iskacaabin uu abbaanduule ka yahay Sheekh Xasan Barsane ay colka jilbaha u dhigeen, taasoo keentay inay si dhaqso ah kaga baxaan dhulka Soonmaaliyeed.[10]

Sheekh Barsane: 1853 - 1927.
Sheekh Barsane: 1853 – 1927.

Shirkii Baarliin, Febraayo 1884kii, waxay gumaysidoonka Yurubta Galbeed kaga arrinsadeen sida loo qaybsan karo Afrika si loo jaangooya sedka cid kasta ay heli karto, waxaana la isku raacay in saamiga lagu saleeyo; cidda ku hormarto inay gumaysan karto oo sidaasi loogu aqoonsanaayo. Balse, ayaandarrada waxay ahayd in Xabashid oo ahayd dowladda kaliya ee Afrikaan oo madaxbannaan inay qayb ka noqotay shirqoolka lagu qaybsanaayay Afrika oo sedkeedana qaadatay.[11] Damaca waalan ee Xabashida ee sanadkii 1905kii wuxuu dhaliyay inaysan xeerin Afrikaanimo iyo derisnimo, waxayna marin u noqotay fulinta qorshaha gumaysi oo ay iskudaygeeda ka billowday inay qabsato dhulka Soomaalida. Ayaandarrada weyni waa inay Itoobiya weli ka korin caqliyaddii miiska Baarliin, kaddib qarni iyo dheeraad ayaa billowga sanadkii 2024kii[12] waxay iskudayday inay xoog iyo xeelad ba ku gaarto badda Soomaaliyeed iyada oo la abuuraayo xasarad lagu kala-qaybinaayo midnimada Soomaaliyeed.

Koonfurta Soomaaliya oo ay ka dhasheen kacdoonoo gumaysidiid oo tira badan, marka la barbardhigo Waqooyiga Soomaaliya, waxaa Koonfurta ku yaraa inay bulshada kaalin ku yeeshaan gumaysi-kalkaalnimada, taasoo jirta haddana waxaa jiray dad uu gumaystaha duufsanaayay iyo kuwa uu muquuninaayay waxayna taasi keentay baraarug xooggan oo dadkaasi loo arko Tukebaalcad. Suugaanta muujinaysa gadoodka lagu gacan siinaayo Xabashida, waxaa kamid oraahda faaftay oo ahayd; “Ilaahayoow la kala miiranyee, Mililiq[13] ha iraacin.”

Xeyla Salaase aabihii, Ras Makonnen, waxa uu daahfuray olale millitiri oo dhul-ballaarsi ah kaas oo lagu gaaraayo gobolka Banaadir (Shabeelaha Hoose, Dhexe, iyo Banaadir) lagana dhigo qeyb kamid ah istiraatiijiyada Itoobiya. Labadaasi dhacdo, waxaa uu sheekha iyo xertiisa goosteen in marka hore lala diriro Itoobiya, maadaama duulaanka Itoobiya uu waqtigeeda taagnaa ayna doonaysay dhulka uu sheekha ka taliyo. Xabashida si ay u fuliso istiraatiijiyaddeeda waxay soo gaartay Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan Balcad, oo ay iskacaabin ballaaran kala kulantay Sheekh Xasan Barsane iyo ciidankiisa. Dagaalkii koowaad ee dhex maro labada dhinac wuxuu ahaa dagaalka la magac baxay Gumarshiir, kaasoo ay kala kulantay jab xooggan. Ditoor Cabdiraxmaan Baadiyoow, oo xiganaayo majallada New York Times, waxaa ciidamada Ras Makonnen lagu qiyaasay inay gaaraayeen 3000 oo u badnaa fardooleey, waxaana ka badbaaday kaliya 69 askari oo ku laabtay Itoobiya. Dagaalka waxaa kaalin ku lahaa xerta sheekha uguna horreya cutubyo uu hoggaaminayeen ardaygiisa uu ku kalsoonaa, Sheekh Abuukar iyo Sheekh Oyaye, iyo Suldaanka Mustaxiil ee Olol Dinle kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay iskacaabinta duulaanka Xabashida.

Dhanka kale, ciidamada sheekha waxay dagaallo is-xig-xiga kula galeen ciidamada Itoobiya goobo ay kamid yihiin GaloKaror, Buulabarde, Yaaqbariweyne, iyo Ceel-Cabdi. Dagaalkaasi waxay Xabashida la kulantay awood iskacaabineed oo xooggan taasoo ku qasabtay inay dib kaga baxaan dhulka Soomaalida. Waxay tani ahayd guul taariikhi ah, kaddib marka uu fuli waayay qorshaha Itoobiya oo goosatay inay wax la boobta gumaystaha reer Yurub, waxayna farriin digniineed u diraysay Talyaaniga oo qorshaynaayay inuu ku fido dhulka. Guushaani waxay dhalisay in feejignaan dheeri ah loo yeesho gumaysidoonka, waxayna dhiirgelinaysay ciidanka kaddib markii la xaqiijiyay in si buuxda la iskaga dhicin karo duulaannada isbarbar socda.

Laashin Islaaw Nuur Abiikar (1861-1934) waxa uu gabay dheer ku cabbiray jabkii Xabashida ee dagaalka Gumarshiir, iyo guusha ay hanteen ciidanka uu abaanduulaha u aha Sheekh Xasan Barsane, waxaana gabayga kamid ahaa meerisyadaan hoose[14];

Markuu waaga galac yirina guluf lagu ekeyay

Oo faradaha iyo gamaankooda warmaha lala gaaray

Gurmad Rabbi iyo waxaan helnay gargaar badane

Gadii Badar kama duwana waa guul lama iloobaane

Guud injireyda gowracan ee la waray goobta

Oo meydkeeda gaanka ah boqolaalka gaaray

Wixii falaar lagu gamayay iyo wixii garuun lala haleelaaba

Wixii bilaabo lala gaaray iyo wixii abley goysayba

Galabtaas waxbadan haadda waa loo goglaye

Gumarshiir dagaalkii ka dhacay guushii laga gaaray

Gebigeenba garruun inaan ku helay sooma garatiin.

Duulaankii Talyaaniga

Dowladaha Yurub waxay tartan ugu jireen qabsashada xeebta Banaadir, si taasi u suurtagashana waxaa jiray sahano xuuraansi. Talyaaniga waxa uu Soomaaliya kusoo galay hab ganacsi iyo heshiisyo uu la galay qaar kamid ah reeraha, gaar ahaan deegannada xeebaha, balse ujeedka qarsoon uu ahaa qabsashada guud ahaan dhulka Soomaalida. Waxa uu qaatay kala qaybinta Soomaalida, iyada oo la dhaqangelinaayo siyaasadda qaybi oo xukun[15]. Sanadkii 1896dii, dagaalkii Lafoole, waxay beesha Wacdaan hor istaageen iskudaygii Talyaaniga uu ku sahminaayay Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Banaadir, waxaana halkaasi si ba’an loogu jabiyay Talyaaniga ayada oo dagaalka lagu dilay Antonio Cecchi, qunsulkii guud ee Talyaanigu ku lahaa Zanzibar. Guushaasi laga gaaray dagaalka ayaa Sheekh Xasan iyo kooxdiisa waxay dabaaldagyo ka sameeyeen degmada Jilyaale. Lakiin Talyaaniga oo weerarada soo rogaal celiyay oo ka gadoodsan guuldarradaan ayaa goostay inuu aargoosta, wuxuuna gubid iyo boob ka gaystay deegaannada Nimow, Jasiira, Dhanaane iyo magaalo xeebeedya kale. Laashin xeebeed cabbiraayo xaaladda taagneed ayaa ku maansooday;“Biyamaaleey jebiyeene Barsaneey usoo socdaan”[16]

Talyaanigu kama welwelsaneyn kaliya guuldaradaa kasoo gaartay dagaalka ee waxaa hoos u dhacay maqaamkii uu ku lahaa kala-qaybsiga Afrika, taasoo uu kula tartamayay Ingriiska, Faransiiska iyo Jarmalka. Wuxuu isla sandkaas, 1896kii, uu ku jabay dagaalkii Adoowe ee uu Amxaarada la galay, waxaana u raacay guuldarrada Lafoole oo jab xooggani uu kasoo gaaray. Waxay natiijada noqotay in Talyaaniga saamigiisa gumaysiga lagu soo kooba saddexda dal ee kala ah Soomaaliya, Liibiya iyo Eriteriya, halka waddamadii kale ee uu tartanka kula jiray la siiyay dhulal badan oo ay gumaystaan.[17]

Shirweynihii Baarliin ee la isla gartay in Afrika la qaybsado loona qaybsado sida looga kala hormaro, waxay dhalisay hirdan adag. Itoobiya iyo Talyaaniga waxay u tartameen Koonfurta Soomaaliya, islamrkiina Talyaaniga wuxuu sanadkii 1896kii adduunweynaha ku wargaliyay in Soomaaliya Koonfureed (Benaadir) inay noqotay qayb kamid ah maamulka Talyaaniga.[18] Soomaalida waa tan ku maahmaahdo; “Buun ninka xado meel uu ku yeeriyo ayaa la iska rabaa.” Qeyladhaanta Talyaaniga ee dunida uu ku wargalinaayay inuu ka taliyo Soomaaliya, waxay ahayd gogol-xaarka istiraatiijiyaddiisa iyo ka boodidda hirdanka loogu jira cidda tallabo dheeraysa. Waxa uu maalin cad is-huwiyay oo uu la dhuuntay sharafkii iyo heybtii Soomaaliyeed, ayaandarraduse waa inuusan is weydiinin goobta lagu yeerin karo buunka.  Dhanka kale, waxaa ballaartay kacdoonadii gummaysidiidka waxa uuna Sheekha Xasan Barsane billaabay inuu sii xoojiyo iskaashiyada lala sameynaayo culimada iyo hogaannada reeraha si loo xaqiijiyo midnimida ummada islamarkaana si wadajir ah la iskaga kaashado dagaalka lagu la jira gumaysidoonka.

Inta lagu guda jiray Dagaalkii Koowaad, Talyaaniga waxa ku adkaatay inay si buuxdo usii maamulaan Soomaaliya. Tani waxay fursad u noqotay Sheekh Xasan Barsane si uu gaashaanbuur ula samaysto hogaamiyaal uu garabsan karo, sida boqorka Itoobiya, Lij Iyasu, oo soo Muslimay 1916dii. Sheekh Xasan Barsane, boqor Iyasu iyo hogaamiyaal kale, sida Sayyid Maxamed Cabdulle, waxay qorsheynaayeen in Bariga Afrika ka dhisaan Imbiraatooyad Muslim taasoo ka madaxbannaan faragelinta Kirishtaanka. Haseyeeshe, sirdoonnadii gudaha ayaa gudbiyay warbixinta qorshahan. Waxay tani Sheekh Xasan kaga dhigneed taageeradda koowaad ee uu dibadda ka helo, taasoo gaartay inuu garab ka helo Cusmaaniyiinta iyo Jarmalka kuwaas oo loolan kula jiray gaashaanbuurta gumaysidoonka uu Talyaaniga qaybta ka yahay[19].

Sheekh Xasan waxa uu dadaallo ku bixiyay inuu xiriiro adag la yeesho oday-dhaqameedka iyo hoggaanka Koonfurta Soomaaliya. Waxa uu olale u galay inay wadashaqayn yeeshaan hormuudka kala duwan ee degaannada, sida Marka iyo Baraawa, si loo hubiyo taageero dheeri ah oo la iskaga caabiyo colka gumaysidoonka. Wuxuu fariintiisa gaarsiiyay dhulka Soomaali Galbeed asigoo ku booriyay inay gumaystaha iskacaabiyaan. Sanadkii 1891dii oo Talyaaniga maamulaayay Muqdisho oo uu heshiis maxmiyadeed la saxiixanaayay qaar kamid beelaha, waxa uu Sheekh Xasan Barsane ku guulaystay inuu saldhig adag ka dhiso Danane. Talyaaniga oo dadaalladaa wado, haddana waxaa jiray is-aaminaad la’aan labada dhinac. Sanadka xigay ee 1892dii wuxuu Sheekh Xasan Barsane weerar ka qaaday dekadda Danaane, waxaana halkaasi lagu dilay ciidamo Eriteeriyaan oo taabacsanaa Talyaaniga iyo ciidamo badeed oo British ah. Dhacdadaan iyo jabka gaaray gumaystaha waxay dhalisay inay aargoostaan, waxayna adeegsadeen hub culus, taasoo u suurtagalisay inay gacanta ku dhigaan rag sarsare oo lagu xiray Muqdisho uuna kamid yahay Sheekh Cabdi Gaafle, saaxiibka dhaw ee Sheekh Xasan, inkastoo Sheekh Gaafle uu dib u baxsaday kuna laabtay halganka. Inkastoo Talyaaniga aysan waxyeello badan gaarin, haddana dagaalkaani wuxuu sooyaalka Soomaalida gobannimadoonka kaga dhignaa mid aad muhiim u ah, taasoo bannaanka keentay cadaawadda gumaystaha. Intaa waxii ka danbeeyay Sheekh Xasan Barsane waxay Talyaaniga u arkaayeen nin halis ku ah ayna tahay in la iska qabto, waxayna billaabeen diyaargarow iyo in la adkeeyo gacan ku haynta xeebaha[20].

Waxaa kale oo uu xiriir la lahaa Daraawiishta oo uu hogaaminaayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan kuwaas oo halgan gumaysidiid kula jiray Ingiriiska, kana midka ahaa halgannadii ugu cimriga dheeraa gayiga Soomaalida. Inta uu xiriirka labada dhinac uu hagaagsanaa, waxaa la is dhaafsaday waayo-aragnimo, waxaana la is dhaafsanaayya sarakiil. Saraakiisha sare ee la is dhaafsaday waxaa kamid ahaa Sheekh Xasan Gaadaay oo ka socday Daraawiishta ujeedkuna ahaa aqoon kororsi, inkastoo asiga oo aan dhamaysan uu geeriyooday laguna duugay MahadaayWeyn[21]. Dhanka kale, Daraawiishta inta ay ku guda jireen soo rogaalcelinta dagaalka ka dhanka ah gumaystaha Ingiriiska ayay soo gaareen magaalada Baledweyna, waxayna taasi fududaysay inuu Sayyidka garab iyo gacan uu siiyo guud ahaan iskacaabintii Koonfurta ee lagu la dagaalamaayay Talyaaniga[22].

Sanadkii 1905tii culimada hogaanka u ahayd kacdoonnada Koonfureed oo ay kamid ahaayeen; Suldaan Cali Ciise, Shiikh Abiikar Axmed, Shiikh Xasan Barsane, Shiikh Aweys Maxamed, Sheekh Caashir Maadow, Shiikh Daa’uud Culusoow, iyo Cali Maxamuud Nuur, ayaa waxay iskugu imaadeen shirweyna loogu magacdaray ‘Axdigii Shalanbood’ oo lagu qabtay magaalada Shalanbood ee Shabeelah Hoose. Axdigaan waxa uu jawaab u ahaa dhiiladii kasoo yeertay Talyaaniga oo fagaaraha ka sheegtay dhulka Soomaalida. Shirka waxaa lagu go’aamiyay; in la mideeyo halganka, in la kala qeybsado aaggag dagaalka, iyo in la xoojiyo guubaabada xoola dhaqatada iyo beeralayda[23].

Sheekh Xasan Barsane si uu u xoojiyo iskuduubnaanta ciidankiisa looguna diyaargooba colka kusoo wajahan, wuxuu qabtay shir si loo dajiyo istiraatiijiyad loo dhan yahay oo lagu wajaho gumaysidoonka. Inta lagu guda jiray shirka wuxuu xubnaha golaha kaga warramy colka waxa uuna ku yiri; “Gaalada dhan walbo ayay inooga hareeraysan tahay, bariga waxaa naga xiga Yurubiraanka. halka Itoobiyaankana naga jiraan dhanka galbeed; waxayna labadaba kusoo siqayaan dhulkeenna si ay qabsadaan.” Inta shirka lagu guda jira ayaa waxaa sheekha la weydiiyay; sida ay naftooda ku difaaci karaan, waxa uuna sheekh Xasan Barasane kaga warceliyay in Allaah uu garabkooda yahay ilaa intay ku taagan yihiin jidka toosan, iyo in tira badan oo ciidan iyo hub inaysan guusha damaanad qaadi karin. Waxa uu intaasi raaciyay aayadda suuratu al-Baqara;كَم مِّن فِئَةٍۢ قَلِيلَةٍ غَلَبَتْ فِئَةً كَثِيرَةً بِإِذْنِ اللَّهِ وَاللَّهُ مَعَ الصَّـٰبِرِينَ. Talyaaniga wuxuu sanadkii 1908dii duulaan kusoo qaaday deegaannada u dhaw xeebaha Soomaaliya, waxaana u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan qayb kamid ah sida deegaannada Biyamaal. Sanadkaasi 1908dii wuxuu qorsheynaayay dhisidda iyo beerista beero waaweyn oo laga hirgalinaayo dhul beeraadyada Balcad iyo Jowhar. Intaa kaddib wuxuu 1913dii qabsaday Baydhabo, sanadka xigay ee 1914kii wuxuu Talyaaniga gaareen Xudur[24].

Jahwareerkii Talyaaniga

Talyaaniga oo adduunweynaha la wadaagay inuu taliskiisa maamulo Koonfurta Soomaaliya, ayaa wuxuu kulantay labo dhibaato. Kow, waxaa ciriiriyay Itoobiya oo ku damac ahayd, laakiin hirdanka ay labada ku jireen waxay Itoobiya sanadkii 1905tii, jabka dagaalkii Gumarshiir, xaqiijisay inay Soomaalida awood iska-caabineed ay dhankooda jirta, taasoo loo fasiran karo inay Itoobiya tabar reebtay, taasina marna waxay dan u ahayd Talyaaniga oo culayska ka yaraanaayay, mar kalena Soomaalida oo tijaabo ku martay inay iskadhicin karaan gumaysidoon, nooc walba. Labo, Talyaaniga waxaa ku fogaatay xaqiijinta hindisihiisa gumaysi, kaddib marka xerta Sheekh Xasan Barsane ay noqdeen darbi aan laga tallaabi karin.

Billowga qarniga 20aad waxaa si rasmi ah halis loogu aqoonsaday Sheekh Xasan Barsane, waxaana Baarlamaanka Talyaaniga uu walaac ka muujiyay hore-u-socod la’aanta ajandihiisa Gumaysi. Waxay tani ahayd in Sheekh Xasan uu dejiyay istiraatiijiyo si uu guul kaga gaaro dadaallada uu wado. Sheekha waxa uu soo rogay; inay ciidamiisa sumeeyaan dalagyada beeraha ee agagaarka magaalada Jowhar, si loo hubiyo inuusan Talyaaniga helin waxsoosaarka dalka. Waxay ciidankiisa u howlgalaayeen si joogta ah ayaga oo halheyskoodu yahay; “Su’aal Sheekh Xasan baa leh, Siibista annagaa leh.” Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Titonni, oo walaac badan ka muujiyay dhaqdhaqaaqa iskacaabineed ee Sheekh Xasan Barsane ayaa saraakiisha sare ee Muqdisho ku sugan waxa uu su’aalo ka weydiiyay gaabiska, kuwaas oo ku warbixiyay inuu Sheekh Xasan uu yahay wadaad aan fahan badan ka haysan diinta islamarkaana aan caqabad ku noqon karin maamulka. Waxay tani dhalisay in mar kale la barto Sheekh Xasan ayna ku sifeeyaan ‘Wadaad dagaalyahan iyo Gobonnimadoon.’[25]. Dhanka kale, Jameecada Jilyaale ee Sheekh Xasan Barsane waxay si buuxdo u diiday inay is dhiibaan oo ay kamid noqdaan ciidamada Talyaaniga ee Zaptie[26].

Soo-Magcaabiddii De Vecchi

Oktoober 1922dii waxaa dalka Talyaaniga ka dhacay isbeddel maamul, uu taliska la wareegay xisbiga Fashiistaha ee uu hogaaminaayay Binito Mussolini, oo ay aragtidiisu ahayd in wax lagu maamulo xoog iyo amarkutaaglayn ayada oo cidda ka hor timaadana awood lagu maquuninaayo. Cesera Maria De Vecchi, waxaa loo soo magacaabay inuu guddoomiye ka noqdo Soomaaliya kana hirgaliyo siyaasadda xisbigiisa. Dhamaadka sanadka 1923kii, De Vecchi, wuxuu kasoo dagay Muqdisho wuxuuuna la yimid aragtiyo siyaasadeed uu xisbigisu ka qabay habka lagu maamulaayo guunta Soomaaliya ee iskugu jira dhac, gumaaadka iyo cadaalad-darrada. Waxaa, De Vecchi, u muuqatay inuu qabsado labada saldanadood ee Hobyo iyo Waqooyi Bari, isagoo iska indhatirayo heshiiskii maxmiyadeed ee ka dhexeeyay saldanadahaas iyo dawladdiisa, oo u arkayay inay kurtummo hortaagan ku yihiin isballaarintiisa gumeysi. Tillaabadii ugu horreaysay uu qaaday waxay ahayd inuu soo saaro xeer uu hubka uga qaadayo Soomaalida Koofureed oo idil. Go’aankaasi wuxuu dhaliyay inay ka gadoodaan Soomaalidii degganayd tuulooyinka Jilyaale, Ceeldheere, Buur Gooyo iyo Afgooye BaadiCadde.[27]

Sheekh Xasan Barsane si uu kaga falceliyo arrinka soo cusboonaaday wuxuu qabtay shirweyna lagaga arrinsanaayo go’aanka Talyaaniga ee habdhigista, waxaana ugu danbayn uu Sheekha soo saaray warqaddii caanka ahayd ee uu Sheekh Xasan u qoray ku-suntanaha Duqa Mahadaay. Warqadda qayb kamid, waxay u qorneed, sida tan; “Waxa aan ku billaabayaa magaca Allaah, waan helay warqadaadii waana fahmay. Waxa aan kuu sheegayaa in aanan qaadaneeyn amarkaaga. Dowladdaadu waxa ay leedahay sharciyadeeda, annaguna waxa aan raacnaa sharciga Allaah iyo rasuulkeenna Muxammed NNKH, ma nihin sida ummadaha kale ee aad gumeeysatiin, iskuma dhiibno isticmaar, haddii aad dalkeena timaadu waa noo dagaal. Adduunku waxa uu joogaa dhammaad, waxaa ka haray 58 sanno, ma dooneyno in aan adduunkaan sii joogno, waxa aan doorbideeynaa in aan dhimano anaga oo difaaceeyna diinteena.”[28] Waqtigaa waxaa jiray fikir culumada qaar aay qabeen oo ahaa haddii isticmaar yimaado inay tahay calaamad Aakhiru Samaan.[29]

Warqaddii Sheekh Barsane.
Warqaddii Sheekh Barsane.

Dagalladii laga hortagay Talyaaniga

Dhanka Talyaaniga waxay wadeen dadaallo gudaha ah oo ay ku xaqiijinayaan sida dhanka Sheekha lagaga heli lahaa is-dhiibid iyo aqbalaad, si taasi loo gaarana waxay adeegsan jireen dad iyagu taabacsan, kuwaas oo ciidanka Sheekha ku dhihi jiray oraahda suugaaneed; “Gaalo jimayste, jinkiisow ka haraa.” Haseyeeshee, dhammaan dadaalladaasi waanwaanta waa ay guuldareysteen, waxaana la gaaray go’aan lid ku ah gumaysidoonka, oo maslaxad u ah ummadda. Intaasi kaddiib, wuxuu Sheekha guda galay tabaabushaynta ciidanka ee dhanka tababarka iyo saadka[30]. Guushii laga gaaray dagaalkii Xabashida, waxa uu noqday shidaal iyo gubaabo, kaasoo ciidanka siiyo tamar hor leh, waxaana halhays suugaaneed noqotay;

Gaalo maa gaalo ka giiran,

Gaalo waa tii Gumarshiire,

Gibilkeygaa is guraayee,

Ii geeya gaalada yuubleyda!

Markii uu De Vecchi uu helay warqadda diidmada qayaxan ee ka timid sheekh Xasan Barsane, waxay goosteen inay qaadaan duulaan marka horena la dhaco xoolaha lagana hor istaago ceelasha. Balse damaca waalan waxaa lagaga hortagay cudud xooggan taaso keentay inay dagaallo is dabajoog ah la iskaga hor imaado. Dagaalladaasi waxaa ugu caansanaa; Dagaalkii Buulaburde (1922 iyo 1923), CeelDheere (1922 iyo 1923), Hiilweyne (1923), Jilyaale (1924) iyo Hareerile (1924), iyo dagaalkii Ceelka Haadfuul (1924). Waxaa xigay dagaal labada dhinac ah, 15 Maarso 1924, oo Talyaaniga kusoo dagaal galeen tiro 500 ciidan oo wato labo madfac. Iska-horimaataankaan oo lagaga adkaaday Talyaaniga, waxaa laga dilay taliye Lieutenant Colonel Mario Re oo ahaa hoggaamiyaha Ciidamada Gumaysiga ee Dhulka Soomaalida[31]. Boobka xoolaha waxa uu ahaa siyaasadda koowaad ee dadweynaha loogu ciqaabaayo dagaalka ay ku jiraan ciidanka Sheekh Xasan Barsane. Duulaanka Talyaaniga inta uu socday, waxaa xusid mudan, in kaliya Buq Aqable laga dhacay kun geel[32]. Waxay taasi muujinaysa arxandarrada gumaystaha iyo sida daran ee u boobaayay hantida ummadda.

Dagaalka Buulaburte oo dhacay 13 April 1923, waxa uu kamid ahaa dgaallada ugu cuslaa ee labada dhinac, waxaana dagaalkaasi uu Talyaaniga ku waayay Kabtan lagu magacaabi jiray Battuditill. Arrinkaasi oo Talyaaniga u qaadan waayay, si uu aargoosi ballaran u sameeyo waxa uu duulaan ku qaaday degaanka Baliwayne oo 6km u jirta Jalalaqsi kana xigta dhanka Bari, waxayna Talyaaniga halkaasina kala kulmeen jab xooggan iyaga oo goobtaasi ku waayay xidigle Maremaldo iyo tira kale oo ciidan ah, halka dhanka Sheekhana ay waayeen abwaankii gobannimadoonka Islaaw Nuur Abiikar. Dhacdooyinkaani waxay soo dadajiyeen in DeVechi uu isbeddel ku sameeyo qorshaha jajuubka, waxa uuna mar kale isku dayay waanwaan si loo hubiyo suurtagalnimada waanwaan dhex marta Talyaaniga iyo reeraha. Waxay tani keentay in wufuuddii uu Talyaaniga dirsaday ku guulaystaan soo uruurinta hub gaaraayo 3000 qori. Laakiin, dhammaan wadahadalladaasi waa uu ka biyadiiday Sheekh Xasan, waxa uuna sii xoojiyay dagaalka lagu la jira gumaystaha[33].

Xabsiga, Geerida iyo Aaskii Sheekha

Talyaaniga markii uu arkay inuu ku guuldarraystay gacan ku haynta Soomaaliya, waxa uu basaasiin ku dhex beeray ciidanka Sheekha, waxayna taasi dhalisay inay kaalin ka qaataan gudbinta xogta iyo kaladhantaalidda cududa ciidanka Sheekha. Stefano, waxa uu kamid ahaa basaas dhalashadiisu ahayd Itoobiyaan, waxa uuna jameecada Sheekha ku dhex joogay inuu cilmi doon yahay. Kol danbe oo la hubsaday shaqada uu haayo Stefano ayaa waxay Soomaalida ka sameeyeen tixda suugaaneed ee dhahaysa; U adeegimaa Stefano, Eebadaa ku aarsanaa![34]

Buugga Mario Devechio ee lagu magacaabo Orizento De Impero waxaa lagu xusay inuu Talyaaniga adeegsaday, sanadkii 1924, hub casri ah oo aad u culus iyaga oo sii xoojiyay duulaankooda. Waxaa dhanka kale laga waday howgal ballaaran oo barakacin ah kaasoo lagu beegsanaayo xoolaha, ceelasha iyo beeraha, si dadweynaha loogu ciqaabo loona gaarsiiyo heer ay is dhiibaan. Haseyeeshee, waxay ciidanka Sheekh Xasan Barsane sii wateen halgankooda, waxaana dhanka Talyaanigana garab u ahaa ciidamo ka socda Eriteeriya, Liibiya iyo Soomaali kale oo ay duufsadeen. Si walbo, isballaarintii gumaystaha iyo howlgalladii basaasnimada waxay keentay inay ugu danbeyn  gacanta lagu dhigo hogaamiyaha iyo hormuudka Iskacaabinta Sheekh Xasan Barsane, Ku-xigeenadiisa oo uu kamid ahaa Xaaji Maxamed Macallin oo ahaa xaakimkiii magaalada Baledwayna iyo Xaaji Maxamed Kheyr Maxamed. Waxay qabashadaani lamafilaanka ah aad usoo dhaweeyay raysalwasaaraha Talyaaniga, Benito Mussalini, isaga oo bogaadiyay guusha dhulballaarsiga ee Soomaaliya[35].

Dr. David H. Marlowe buugiisa ’The Galjaal Barsana of Central Somalia’, waxa uu kusoo tabinayaa sheekhada qabashada Sheekha isaga oo la kulmay mid kamid ah owlaadda Sheekh Xasan, waxa uuna kasoo wariyay sida; “Anigu waxaan ku dhashay Jilyaale. Aabbahay waa Xaji Xasan, oo ahaa Sheekh iyo hogaamiye gobonnimadoon. Hooyaday, Caa’isha Axmed, waxay ahayd Xawaadle oo ka timid agagaarka BuloBurti. Aniga oo shan sano jir ah, waxaa dhacay dagaalkii u dhexeeyay Talyaaniga iyo Barsana. Inkastoo aan aad u yaraa, haddana waxaan xusuustaa Talyaaniga oo ay la socdeen ciidan Eriteeriyaan iyo kuwa Carab ah kana soo jeedo Yaman. Carabtii Yemen waxay ahaayeen kuwa ugu arxanka daran, waxayna gubayeen oo burburiyeen guud ahaan deegaanka Jiliyaale. Intaa kadibna waxay aabbahay u taxaabeen xabsi.” [36]

Sheekh Xasan Barsane waxaa ugu danbeyn lagu xiray Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, waxaana lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah. Waxaa sheekha halkaas kaga billowday nolol adag oo lagu ciqaabaayo. Sheekh Cabdisataar Sheekh Cabdisalaan (Buugiisa qalinjebinta 1978) waxa uu la kulmay Cali Macallin (Cali Karanle) oo 6 bil la xirnaa Sheekh Xasan Barsane, waxa uuna kasoo wariyay in sheekh Xasan si daran xabsiga loogu dhex cadaabi jiray, si lagaga xaqiijiyo inuu ka tanaasulo mabda’ uu u dagaallamaay ee uu dalkiisa iyo dadkiisa ku dicaafayay. Balse, si walba Sheekha wuu diiday inuu u hogaansamo doonista gumaysiga, taasoo ugu danbayn keentay in la sumeeyo, wuxuuna Sheekha suntaasi u geeriyooday 28 bisha Janaayo 1927dii.[37]

Sheekha oo markii hore lagu aasay Muqdisho, ayaa waxaa maydkiisa loo qaaday degmada Jilyaale, waxaana halkaasi lagu siyaartaa, sanad kasta, maalintii uu geeriyooday. Guuldaradii gaartay Jameecada Jilyaale iyo geeridii Sheekh Xasan Barsane waxay fursad u noqotay hirgelinta riyadii soo jireenka ahayd ee uu Talyaaniga uu ku doonaayay Imbaraadoriyadda Gumeystaha Fashiistaha (Impero Colonial Fascista) ee sanadkii 1936dii, siddeed sano kaddib geeridii Sheekh Xasan. Kacaankii 21 Oktoober ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, ayaa waxay Sheekh Xasan Barsane ku maamuuseen in loogu magac-daro dusgi sare oo ku yaallo magaalada Muqdisho.[38]

Ugu danbeyn, Barefasoor Maxamed Xaaji Mukhtaar buuggiisa Historical Dictionary of Somalia, waxa uu sanadka 1924kii ku santay inuu yahay guga iskacaabineed ee uu Sheekh Xasan Barsane hogaaminaay kaasoo ka dhan ahaa duulaanka Fashiistaha Talyaaniga. Allaah Unaxriisto Sheekh Xasan Barsane, wuxuu noloshiisa ku dhamaystay halgan, waxa uuna gutay waajib diineed iyo mid ummadeed asiga oo difaacaayo diintiisa, dhulkiisa iyo dadkiisa. Waxa uu is hortaagay quwado xooggan kuwaas oo uu ka hortagay riyadooda gumaysi ee dhulka Soomaalida. Waxa uu ka adkaaday Xabashida, waxa uuna dagaallo fool-ka-fool ah la galay Talyaaniga, kuwaas oo gooba badan uu kaga gacan sarreeyay. Gobonnimadii uu Sheekha u dagaalamaayay, ee la is dhaxalsiiyay laguna xoreynaayay dhulka iyo dadka Soomaaliyeed waxa maanta miraheeda harsanaayo Ummada Soomaaliyeed, wuxuuna Sheekh Xasan uu baaqi ku yahay kuna ahaan doonaa sadarrada iyo xasuusaha ummada, waxa uuna tusaale, dhan kasta, u yahay faca koraayo si ay u fahmaan qiimaha sare ee dhadhanka xorriyadda iyo gobonnimada kuwaas mudan in lagu faro adeego.

Dhammaad.

[1] Prof. Mohamed Haji Mukhtar, Historical Dictionary of Somalia, daabacadda 203, bogga 209

[2] Sheekh Xasan Barsane (Hogaamiyihii Halganka Iskacaabinta Gumaystaha Talyaaniga), Prof. Dhicisoow iyo qaar kale, b.62-63

[3] Prof. Mohamed Haji Mukhtar, Historical Dictionary of Somalia, daabacadda 203, bogga 209

[4] Aw Jaamac C. Ciise -Taariikhdii Daarawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (1895-1921)

[5] Dr. Cabdiraxmaan Badiyow, Sheikh Hassan Barsane: The Resistance leader againist Ethiopia and Italy, Wardheer news 2024.

[6] Jilyaale waxa maamulka Hirshabeella, Maajo 2025, u aqoonsaday degmo dhamaystiran

[7] Prof. Mohamed Haji Mukhtar, b. 209

[8] The Galjaal Barsane of Central Somalia: A lineage Political system in a Changing the World’, b.106-107

[9] Adan Makina, Sheikh Hassan Barsane: Forgotten Mujahid of the colonialist, https://bit.ly/43OHn9h

[10] Taariikh Fasalka Koowaad ee Dugsi Sare, Xamar 1976, b.132

[11] M.I. Liiqliiqato, Taariikhda Soomaaliya (Dalkii Filka Weynaa ee Punt), b.61

[12] Ethiopia signs agreement with Somaliland paving way to sea access, BBC, Jan 2024, https://shorturl.at/cGZlE

[13] Menelik II-Mililiqii Labaad(1844 — 1913 ) waxa uu ahaa boqorkii Xabashida laga bilaabo 1889 taniyo geeridiisa.

[14] Axmed M. Iimaan, Taariikh Taxan iyo Dhaqanka Soomaalida, daabacadda labaad 2017, b.74

[15] Sheekh Xasan Barsane (Hogaamiyihii Halganka Iskacaabinta Gumaystaha Talyaaniga), Prof. Dhicisoow iyo qaar kale, b.79

[16] Prof. Mohamed Haji Mukhtar, Sidoo kale b. 209-210

[17] Prof. Yaxye Sh. Caamir, Saddexdii Dagaal ee Lafoole, Laashin, 2016, https://bit.ly/4kes8MG, la booqday 2025

[18] Taariikh Fasalka 1aad D.Sare, Sidoo kale b.132

[19] Adan Makina, Sidoo kale

[20] Adan Makina, Sheikh Hassan Barsane: Forgotten Mujahid of the colonialist, https://bit.ly/43OHn9h

[21] Sheekh Xasan Barsane (Hogaamiyihii Halganka Iskacaabinta Gumaystaha Talyaaniga), Prof. Dhicisoow iyo qaar kale, b.70

[22] M.I. Liiqliiqato, Taariikhda Soomaaliya (Dalkii Filka Weynaa ee Punt), b.74

[23] Axmed M. Iimaan, Sidoo kale, b.88

[24] Mohamed Haji Mukhtar, Sidoo kale, b. 210

[25] Adan Makina, Sheikh Hassan Barsane: Forgotten Mujahid of the colonialist, https://bit.ly/43OHn9h

[26] Mohamed Haji Mukhtar, Sidoo kale, b. 210

[27] M.I. Liiqliiqato, Taariikhda Soomaaliya (Dalkii Filka Weynaa ee Punt), b.91

[28] Prof. Yaxye Caamir, Taariikhda Halgamaa Sheekh Xasan Barsane, 2017, Laashin

[29] Prof. Yaxye Caamir; ’Waqtigaa waxaa jiray fikir culumada qaar ay qabeen oo ahaa haddii isticmaar yimaado inay tahay calaamad Aakhiru samaan.’

[30] Sheekh Xasan Barsane (Hogaamiyihii Halganka Iskacaabinta Gumaystaha Talyaaniga), Prof. Dhicisoow iyo qaar kale, b.70

[31] Alberto Alpozzi, Dall’Alto Scebeli inizia il ritiro delle armi per la pacificazione della Somalia, Feb 2022, https://bit.ly/3SZmXUP

[32] La Nuova Italia D’Oltremare – L’Opera Del Fascismo Nelle Colonie Italiane

[33] Sheekh Xasan Barsane (Hogaamiyihii Halganka Iskacaabinta Gumaystaha Talyaaniga), Prof. Dhicisoow iyo qaar kale, b.83

[34] Prof Dhicisow, Sheekh Cabdisataar, iyo Raage Cali, sidoo kale, 2016

[35] Axmed M. Iimaan, Sidoo kale, b.77-78

[36] Dr. David H. Marlowe, Harvard University, 1963, b.168

[37] Prof Dhicisow, Sheekh Cabdisataar, iyo Raage Cali, sidoo kale, 2016

[38] Prof. Mohamed Haji Mukhtar, Sidoo kale b. 209-210

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News