SO | EN

SO | EN

Halis amni oo ka imaaneysa hub iyo diyaarado drones oo Al-Shabaab ku qabsadeen Shabeellaha Dhexe

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Walaac xooggan ayaa soo foodsaartay diblomaasiyiinta shisheeye iyo shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan aagga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku dhigtay diyaarado drones ah iyo hub badan intii lagu jiray duullaankii ay Axaddii ka fuliyeen duleedka degmada Warsheekh.

Sida ay xaqiijinayaan ilo amni, Al-Shabaab ayaa weerarkaasi ku qabsaday ugu yaraan afar xero ciidan oo ku yaalla deegaanno hoos yimaada Warsheekh, halkaas oo ay ciidamada dowladda si ku-meel-gaar ah u kaydiyeen drones cusub oo dhowaan dalka la keenay.

Diyaaradahaas is-wada ah ayaa la sheegay in loogu talagalay la socodka dhaqdhaqaaqyada cadowga iyo sugidda amniga meelaha fogfog.

Yuusuf Kaba kutukade oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub, rasaas, drones iyo askar nool ay ka heleen xeryaha ay weerareen oo kala ah:Ruun Shiikhow, Jabad Godane, Sheekhyaalo iyo Buurka Kaah.

“Hubkaas waxaa ku jira hub cusub iyo gawaari oo Mareykanku soo saaray dhor bilood ka hor 2025,” ayuu yiri Kaba Kutukade oo ah amiirka Shabaab ee Shabeellaha Dhexe.

Shabaabka waxay sheegeen in hub tiro badan, gaadiid iyo qalab drone ay ku qabsadeen weerarka Warsheekh
Shabaabka waxay sheegeen in hub tiro badan, gaadiid iyo qalab drone ay ku qabsadeen weerarka.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada rasmiga ah ee drones-ka la geeyay xeryahaas, balse ilo madaxbannaan ayaa sheegaya in ay gaarayeen illaa toddobo (7) xabbo, kuwaas oo dhammaantood la rumeysan yahay in ay u gacan galeen Al-Shabaab.

Ilo wareedyo dhanka amniga ah ayaa Kaab TV u sheegay in drones-kaasi asal ahaan laga keenay dalka Ukraine, isla markaana ay ahaayeen kuwo casri ah oo leh awood sahamin iyo kormeer, hase yeeshee aysan weli si buuxda u gelin adeegga kahor inta aan la qabsan.

Arrintan ayaa dhalisay walaac ballaaran oo dhinaca ammaanka ah, gaar ahaan aagga Garoonka Muqdisho oo ay ku yaallaan safaarado badan, xafiisyo Qaramada Midoobay iyo hay’ado caalami ah.

Sidaas darteed, dhowr safaaradood iyo hay’ado shisheeye ayaa shaqaalahooda ku amray in ay ku ekaadaan xafiisyada iyo guryaha shubka ah, isla markaana ay ka fogaadaan goobaha bannaan iyo isu-imaadyada.

Cabsida ugu weyn ayaa ah in Al-Shabaab ay drones-kan u adeegsan karaan weerarro qaraxyo ah ama falal basaasnimo oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha istiraatiijiga ah, gaar ahaan aagga garoonka oo ah halbowlaha ugu muhiimsan ee diblomaasiyadda iyo hawlaha caalamiga ah ee Muqdisho.

Illaa hadda, dowladda Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin dhacdadan, balse khubarada amniga ayaa ku tilmaamay mid muujinaysa khatar sii kordheysa oo amni.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News