JOWHAR (Kaab TV) – Ciidanka Burundi ee ku sugnaa deegaanno muhiim ah oo ku yaalla duleedka Jowhar ayaa isaga baxay iyadoo hadda magaalada ay ku jirto xaalad culeys amni.
Ciidamada Burundi ee hawlgalka Midowga Afrika oo ku sugnaa deegaanka Garsaale oo muhiim u ahaa amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa si aan la fileynin uga guuray deegaankaasi.
Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Amniga Hirshabeelle ayaa Kaab TV u sheegay in aan lagu soo wargelin guuritaanka ciidanka Burundi.
Ciidamada Burundi waxay sidoo kale banneeyeen fariisin ku yaallay duleedka magaalada kaasoo sidoo kale muhiim u ahaa ilaalinta ammaanka guud ee magaalada.
Dowladda Burundi ayaa horey u sheegtay inay la bexeyso ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ka dib markii sida ay sheegtay ay ku qanci weyday habka loo qeybiyay tirada ciidamada ka qeyb qaadanaya hawlgalka cusub ee AUSSOM ee sannadkan 2025 bilaabanaya, kaasoo illaa hadda aan lacag loo helin.
Kooxda Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaanno ka tirsan Shabeellaha Dhexe, waxayna qabsadeen Masaajid Cali Guduud, Al-Kowthar, Aadan Yabaal.
Al-Shabaab waxay sidoo kale carqaladeyn ka wadeen deegaanada waddada u dhexeysa magaalada Jowhar illaa Muqdisho, iyagoo bishii Maarso dhammaadkeedii gudaha u galay degmada Balcad oo 30km u jirta Muqdisho.
Xaaladda cusub ee ka dhalatay guuritaanka ciidanka Burundi ayaa cabsi amni ku abuurtay dadweynaha magaalada Jowhar, kuwaas oo hadalhaya waxa dhici kara haddii deegaanadii laga ilaalin jiray Jowhar ay hadda cidlo yihiin oo aysan ciidamo ku sugeyn.
Jowhar waa xarunta maamulka Hirshabeelle.
Saraakiisha Hirshabeelle illaa hadda ma sheegin qorshaha ay u hayaan fariisimaha ay faarujiyeen ciidamada Burundi ee muhiimka u ahaa amaanka Jowhar.