Muqdisho (Kaab TV) –Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdulqaadir cade oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya, isla maraakana wareysi gaar ah siiyay Universal TV ayaa si faah faahsan uga hadlay Mooshinka ka dhanka ah R/wasare Xamze kaas oo ay hada wadaan Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa marka hore xaqiijiyay jiritaanka mooshinka wuxuuna tilmaamay in Xitaa Ay asaga si toos ah ula soo xiriireen xildhibaanada wada si uu ugu biiro abaabulka Mooshinka.
Cabdiraxmaan Cabdulqaadir ayaa dhaliilay sida ay wax uwadaan xildhibaanadaasi iyo guud Ahaan Barlamaanka oo uu tilmaamay in uusan xor u eheen sida uu hadalka udhigay.
Arritaan weyjirtaa xittaa dhowr Xildhabaan ayaa ila soo xiriiray wey jiraan laakiin Mooshin.
In Xildhibaano waqti fasax ah ay soo abaabulaan ay marwalbo si oor kacsi ah usoo diyaariyaa oo aan fuleynin waxaa sabab u ah Baarlamaanka oo aan xor ehen ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdulqaadir.
Sidookale waxa uu su,aal ka keenay halka uu kudambeeyay mooshinkii kan kahoreeyay ee Laga keenay Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin oo ah guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha Shacabka iyo isaga oo xusay in meel laiska dhigay markii lafulin waayay.
Waxa kale oo uu xusay in aragti ahaan uu qabo in uusan fuli karin mooshinka hada laga wado R/Wasaare Xamze isaga oo sababta kusheegay awood la,aanta Baarlamaanka.
Hadalkan ayaa kusoo aadaayo ayadoo haatan uu socdo cabsi ween oo laga qabo mooshinka R/Wasaare Xamze kaas oo ay wadaan Xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo hada dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed kawada gudaha Nairobi