Muqdisho (Kaab TV) – Muslimiinta caalamka oo dhan ayaa berito u dabaaldgaya maalinta koowaad ee Ciidul-Fidriga taasoo soo gabagabeyneysa bisha Ramadaan.
Sacudiiga ayaa sheegay in dhowr meelood oo ka mid ah dalkaasi laga arkay bilashada bisha Shawaal ee 1444 ee sannadka Hijriga.
Sidoo kale magaalooyin ay ka mid tahay Jowhar ayaa laga sheegay in laga arkay dhalashada caawa oo Khamiis ah.
Hambalyada Ciidda
Ku simaha madaxa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa salaan diiran iyo hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fidriga u dirtay dhammaan shacabka Soomaaliyeed.
War qoraal ah oo ay soo saartay Khamiistii, ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho ayaa ku sheegtay fariinteeda Soomaalida xilligan farxadda leh.
“Iyadoo aan ku guda jirno dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan, Qaramada Midoobay waxay shacabka Soomaaliyeed u rajaynaysaa nabad iyo ammaan ciidul fidriga iyagoo u dabaaldegaya xilligaan gaarka ah ee wadajirka,” ayuu yiri ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Wakiilka Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.
Safaaradda Mareykanka ayaa dhankeeda u hambalyeysay dadweynaha Soomaaliyeed munaasabadda maalinta Ciidda darteed.
We extend our best wishes to those celebrating #EidAlFitr. #EidMubarak Ciid Wanaagsan. pic.twitter.com/T5M6g1oM5r
— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) April 20, 2023
“Waxaan hambalyadayada ugu wanagsan u diraynaa kuwa u dabaal degaya #EidAlFitr. #CiidMubarak Ciid Wanaagsan,” ayaa lagu yiri war kooban oo lagu baahiyay bogga Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka.