Puntland (KAAB TV) –Hanti dhowrka guud ee Puntland ayaa soo saaray amar uu ku dalbanayo in shaqsiyaadka wata gaadiidka dowladda ay si deg deg ah ugu soo celiyaan, kadib markii baaritaan lagu sameeyay gaadiidka uu maamulkaasi leeyahay oo si weyn loo waayay iyo ku takri falka.
Cismaan Maxamed Cali Gaas, Hanti dhowrka guud ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in loo hogaansamo shuruucda dowladda ee ku aadan isticmaalka gaadiidka ay dowladdu leedahay. Amarka ayaa dhigaya in dhammaan shaqsiyaadka aan hadda haynin xilalka dowladda balse haysta gaadiidka dowladda ay ku soo wareejiyaan hanti dhowrka ugu dambeyn 16-ka Luulyo, 2024-ka.
Baaritaanka ayaa soo bandhigay dhacdooyin argagax leh oo gawaari ay leeyihiin maamulka Puntland lagu arkay suuqyo laga soo iibiyay meelo ka baxsan gobolka. Dhacdooyinkan oo badan ayaa dhacay doorashadii dhawaan ka dhacday Puntland, taasoo muujineysa in si xun loo isticmaalay iyo wax isdaba marin.
“Waxaa loo baahan yahay in loo hoggaansamo awaamiirta dowladda ee ku aaddan soo celinta gaadiidkan,” ayuu yiri Hanti-dhowraha guud ee Qaranka Cismaan Maxamed Cali Gaas. Waxa uu ka digay in u hogaansami la’aanta ay keeni doonto in magacyada dambiilayaasha loo gudbiyo hay’adaha sharciga si tallaabo dheeraad ah looga qaado.
Awaamiirtan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in siyaasiyiin hore iyo saraakiil ciidan ay wali gacanta ku hayaan gaadiidka dowladda inkastoo aysan hadda xilal rasmi ah hayn.

