ADDIS ABABA (KAAB TV) – Goobaha miyiga ee waqooyiga dalka Itoobiya, oo mar ay dagaallo culus ka dhaceen, weli waxaa dadweynaha halis ku haya haraaga hubka waxyaabaha aan qarxin taas oo khatar weyn ku ah dadka rayidka ah.
Itoobiya waxaa ka dhacay dagaallo sokeeye oo baahsan sannadkii 2020 markay ciidamada dawladda oo ay taageerayaan kuwa Ereteriya, isku dhaceen ciidamada qoomiyadda Tigrayga.
Dagaalkaas waxaa lagu qiyaasay in ay ku dhinteen illaa 500,000 oo qof.
Dagaal lo kale ayaa hadda ka socda gobolka Amxaarada, halkaas oo ciidamada dowladda ay kula dagaallamayaan dagaalyahannada qoomiyadda Amxaarada ee loo yaqaano FANO.
Hay’adaha gargaarka, oo ay ku jiraan Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), waxay ka digayaan haraaga waxyaabaha qarxa oo khatar weyn ku haya dadka rayidka ah.
“Waxaan la tacaalnay illaa 243 dhibbane oo ka badbaaday haraaga hubka, laakiin tani waa bilow uun. Dad badan ayaa naga fog oo aanan gaarin. Qiyaastii 80 boqolkiiba dhibbanayaasha aan caawinay waa carruur,” ayuu yiri Venkatakannan Packirisamy, oo maamula barnaamijka ICRC ee baxnaaninta dhibbanayaasha waxyaabaha qarxa ee Itoobiya.
Barnaamijka ICRC wuxuu ku caawiyay dadka ay waxyeeladu soo gaartay qalabka dhaqaaqa sida lugo macmal ah oo la siiyay dadka ku naafoobay haraaga waxyaabaha qarxa, iyo adeegyada baxnaaninta dadka qaba naafonimada, gaar ahaan meelaha dagaalladu saameeyeen.
Malaayiin qof ayaa ku nool kuna shaqeeya meelaha ay ku hareereysan yihiin hub aan qarxin, taas oo caqabad ku ah nolol maalmeedka dadka shacabka ah, goobaha waxbarashada, iyo helitaanka ilaha muhiimka ah sida dhulka beeraha iyo biyaha.
“Waxay la dhibaatoonaysaa wixii dhacay,” ayuu yiri Tabir Gebreyohannes, oo gabadhiisa sideed jirka ah ku dhaawacantay aalad aan qarxin.
“Markay wareegayso ma fogaan karto sababtoo ah waxay ka baqaysaa qarax kale. Mar walba waxaan ka walwalnaa in mid ka mid ah carruurtu ay soo qadato ama ku istaagto wax khatar ah.”
Haraadiga hubka ee weli yaalla dhulka iyo colaadaha daba dheeraaday ayaa sidoo kale sii xumeeyay nolosha dadweynaha taasoo horseeday cunno yari ka jirta deegaanno horay ay uga jirtay nafaqo-xumo, gaar ahaan hooyooyinka cusub iyo carruurta yaryar.
ICRC iyo Ururka Laanqayrta Cas ee Itoobiya waxay la shaqeeyaan bulshooyinka maxalliga ah si ay u kordhiyaan wacyiga oo ay u yareeyaan khataraha, laakiin waxay ku adkeysanayaan baahida degdegga ah ee dadaallada nadiifinta.
ICRC waxay ugu baaqeysaa mas’uuliyiinta iyo dhinacyada caalamiga ah in mudnaanta la siiyo ka saarista haraaga hubka aan qarxin, oo ah hawl adag, gaar ahaan goobaha ay colaadaha ka socdaan.