LONDON (KAAB TV) – Gareth Jones oo ah 41 jir u dhashay Ingiriiska ayaa markii ugu horreysay ka hadlay tacaddi ay kula kacday gabar uu internet-ka ka bartay oo markii dambe ay isla deganaayeen.
Gareth Jones oo ka shaqeynayay hay’adda caafimaadka UK ee NHS ayaa bartay Sarah Rigby bishii Luulyo 2021, ka dibna waxaa dhexmaray xiriir jacayl.
Waxay labaduuba ku wada noolaayeen magaalada Chester ee dalka UK, halkaasoo guri ay wada deganaayeen balse kirada uu bixin jiray Gareth Jones.
Maxkamadda ayaa dhowaan heshey cadeymo xadgudubyo ay haweeneydan Sarah Rigby kula kacday saaxiibkeed Gareth.
Muddo saddex sano ah ayay garaaci jirtay, oo feer iyo laad la dhici jirtay, iyadoo habeenkii ku qasbi jirtay inuu dhulka seexdo markay is qabtaan ama uu dhex maro khilaaf.
Gareth waxay sidoo kale u diidi jiray inuu musqusha gudaha ku taalla isticmaalo ama uu guriga joogo marka ay Sarah maqan tahay.
“Guriga way xiran jirtay xitaa haddaan shaqeynaayo oo aan joogo. Waa inaan baxaa oo aan meel kale aadaa,” ayuu yiri Gareth.
DHIBAATO QARSOON
Dhibaatada heysatay Gareth ayaa bannaanka timid sannadkan 2024 ka dib markii Gareth hooyadiis ay ogaatay, ka dibna ay ka dhaadhicisay inuu la xiriiro hay’ad u doodda xuquuqda ragga lagu xadgudbo oo la yiraahdo Mankind Initiative.
Hay’adda ayaa kadibna ku wargalisay booliska dhibaatada uu wajahaayo Gareth.
“Gareth wuxuu ahaa nin shaqeysta. Markuu u soo guuray Sarah wuxuu fasaxay gurigiisa, kadibna wuxuu bixin jiray kirada iyo dhammaan kharashka guriga ay wada joogeen isaga iyo Sarah,” ayey tiri hooyadii Diane.
Wuxuu sidoo kale bixin jiray £700 bishii oo kirada ah, iyo dhammaan biilasha, laakiin looma oggolaan inuu haysto furaha guriga, wuxuuna joogay guriga kaliya marka ay iyadu joogto.
Waxay sidoo kale la wareegtay hantidiisa ugu jirtay koontada bangiga oo gaaraysa illaa 40,000 oo lacagta Giniga Istarliinka Ingiriiska ah.
Sidaas oo ay tahay, waxay Sarah ku qasabtay Gareth inuu alaabo qaali ah u iibiyo sida boorsooyin isagoo hadduu diido ama su’aal ka keeno qaniinyo iyo feer ku qaad qaadi jirtay.
KA MAMNUUCIS QOYSKIISA
Sarah intaa kaliya kuma ekaan. Waxay sidoo kale kontorooli jirtay telefoonka Gareth iyadoo u diidi jirtay inuu la xiriiro qoyskiisa gaar ahaan hooyadiis.
“Hadda aniga ayaad ila joogtaa. Lama joogtid iyaga ayey igu dhihi jirtay,” ayuu yiri Gareth.
Cabsi darteed, Gareth ayaa sheegay inuu tir tiri jiray dhammaan farriimaha ka dib markuu u qoro hooyadiis.
“Waan yaabanahay sida dhaqanka noocaas ah loogu tilmaami karo jacayl,” ayuu yiri isagoo sheegay in dhaqamadan qaar dadka ay ugu yeeraan jacaylka “bam gareynta”.
Markii ay xaaladdu sii xumaatay waxay Sarah bilawday inay kontoroosho Gareth cuntadiisa, iyadoo u diiday inuu cuno nafaqo leh ku cuno guriga taasoo sababtay in miisaankiisu hoos u dhaco illaa 28kg muddo labo bilood gudahood ah.
Hay’adda Mankind Initiative ayaa sheegtay inaysan wax qariib ah ahayn tacaddiga ku dhaca ragga. Mid ka mid ah 25kii rag ah ayaa wajaha xaalad qasab iyo tacaddi ah oo uu kala kulmo qof dumar ah oo ay xiriir leeyihiin, ayey sheegtay hay’addan oo diiwaangalisa tacaddiyada ragga ku dhaca.
Kiiska Gareth ayaa ugu dambeyn waxay maxkamadda Chester ka gaartay go’aan ah in Sarah lagu xukumo 20 bilood oo xarig kaasoo muddo labo sano dib loo dhigay ka dib markii ay qiratay dhammaan eedeymaha oo ahaa caburin, kontorool iyo jabuub ku heysasho qof aan raali ahayn.