Gabdhaha yar yar ayaa hadda noqonaya mataane walaalo ah – oo leh taariikh dhalasho oo kala duwan, taasoo dhif iyo naadir.
Ms Hatcher ayaa sheegtay in iyada iyo qoyskeeda ay hadda ku soo laabteen gurigooda si ay “ugu raaxaystaan waqtiga ciidda Christmas” ka dib markii ay ka soo baxday isbitaalka.

Dhaqtar ka tirsan isbitaalka Jaamacadda Alamaba ayaa xaqiijisay in seddexda dhakhtar ay si wanaagsan uga shaqeynayeen umulinta haweeneydan, waxayna warbaahinta u sheegtay in nooca dhalmadan aysan waligood arkin.
Ilma galeenka laban-laabma
Haweeneydan Hatcher ayaa loo sheegay 17 jir markay ahayd inay leedahay ilmo-galeenka labanlaaban (uterus didelphys) – kaas oo ay dhakhaatiirtu ku tilmaameen cillad naadir ah oo lagu dhasho oo saamaysa 0.3% haweenka.
“Waa sidii hal calool oo leh labo qol oo kala xiran,” ayuu yiri Prof Richard Davis oo ah dhakhtar ka tirsan isbitaalka Jaamacadda Alabama ee Birmingham.
Dumarka ay xaaladdan soo foodsaarto ayaa la sheegaa in fursadaha uur qaadista ilmo-galeenka labadaba ay aad u yar tahay iyadoo ay ka yar tahay halkii milyan oo dumar ahba mid.
Kiisaska laga soo sheegay adduunka ee ah ilmo galeenka laban-laabma aad ayay dhif u yihiin. Sannadkii 2019, dhakhtar ku sugan dalka Bangladesh ayaa sheegay in naag ay dhashay mataano ku dhawaad hal bil ka dib markii ay ilmo dhicis ah ku umushay. ilmo-galeenkeeda kale.
Haweeneydan hadda ku umushay Alabama, Hatcher, waxay dhashay saddex jeer oo hore si caafimaad qabta.