MUQDISHO (KAAB TV) – Maryan Maxamuud Xalane waa hooyo naafo ah oo ku nool xerada barakaca ee degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Waxay xeradan timid bilo ka hor iyadoo kasoo barakacday degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Iyada iyo carruurteeda waxay ka mid yihiin dadka barakaca malaayiinka ee gudaha dalka ku wajahay cunto yaraanta.
Dhammaadkii bishii hore ayaa Qarmada Midoobay iyo Dowladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqeen in 6.9 milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo oo naf badbaadin ah.
Qorshaha Ka-Jawaabista Baahiyaha Bani’aadannimo ee 2024 (HNRP) ayaa codsaday US$1.6 bilyan si loo caawiyo 5.2 milyan oo qof oo ka mid ah 6.9 milyan oo soomaaliyeed una baahan gargaar bini’aadannimo oo naf-badbaadin ah.
Haddaba Kaab TV ayaa la kulmay qoyska hooyo Maryan iyo carruurteeda, kana wareystay xaalkooda.