HARGEYSA (Baraarug) – Haweenka Somaliland waxay u dhigmaan 55% illaa 60% guud ahaan bulshada, haddana ma jirto xisbiyo ay iyagu leeyihiin.
Qeybtan taxanaha ah ee Baraarug waxay diiradda saaraysaa caqabadaha ay wajahaan haweenka iyo dhallinyarada doonaya inay ka qaybqaataan siyaasadda, iyadoo aan weli jirin xisbiyo si dhab ah u matala ama xilal sare ay ku jiraan.
Seynab Maxamed Cabdi ayaa sharxaysa sida caqabadahan looga gudbi karo iyo mustaqbalka siyaasadeed ee ay haweenku iyo dhallinyaradu ku leeyihiin Somaliland.

