GAROWE (Baraarug) – Sanadkii 2023, iyadoo isku dayeysay inay ka mid noqoto Baarlamaanka Puntland, Khadra Carabey oo ah haweeney reer Garowe ah isla markaana gabadh uu dhalay dhakhtar caan ah, ayaa si lama filaan ah loo hor istaagay, kadib markii oday dhaqameedka beesheeda uu ku dhawaaqay in musharax rag ah uu ka mudan yahay — sababtuna ay ahayd in nidaamka beeluhu aanu doorbideyn haweenku inay metelaan.
Si kastaba ha ahaatee, Khadra oo ahayd shaqaale bulsho, ma aysan aqbalin guuldarro.
Iyadoo ka tanaasushay siyaasadda beelaysan ee ayay waxay go’aansatay inay si toos ah ugu jeesato shacabka xaafaddii ay degganayd ee Horseed ee magaalada Garowe.
Markii uu bilawday ol’olihii doorashada golaha deegaanka ee Puntland Luulyo 2023 waxay toos uga qeyb gashay tartanka iyada oo ku biirtay xisbi ka mid ah kuwa maxalliga.
Khadra way ku guuleysatay kursiga golaha deegaanka ee xaafadda Horseed, kaas oo ay maanta ku fadhido.
Tani waa qisadeeda!

