MUQDISHO (Baraarug) – Haweenku waxay ka kooban yihiin ku dhawaad kala bar bulshada Soomaaliyeed, waxayna door muhiim ah ka ciyaaraan qoyska iyo horumarka.
Si kastaba ha ahaatee, haweenka Soomaaliyeed wali ma haystaan fursado shaqo oo ku filan iyo ilo dhaqaale oo ay ku kobcaan. Waxa kale oo ay la kulmaan takoorku badan, iyadoo ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda uu aad u hooseeyo.
Baraarug ayaa weydiisay qaar ka mid ah haweenka iyo ragga: Sidee haweenka Soomaaliyeed loogu dhiirrigelin karaa inay xuquuqdooda sheegtaan?
Sideese bulshada loogu baraarujin karaa doorka ay haweenku ku leeyihiin bulshada?