Subaxnimadii Isniinta 12 July 1993, anigoo dhowr buug wata, kuna lebisan kabahaygii Ciidda oo aan aad u jeclaa, surwaal iyo shaati Tokyo/Pigsam oo markaa la xiiseynayay ayaan soo istaagay waddada laamiga ee gurigeenna gadaal ka marta. Iskuulkaygii Al-Cimra ayaan subixii ka dhigan jiray dhowr maaddo, ka hor intaan ku biirin dasrsi Tafsiirka ee naloogu akhrin jiray masaajidka Soobe ee ka danbeeya Xafiiska Bisha Cas.
Sida caadada ahayd bus Homey ayaa xaafadda ka raran jiray subaxda hore, kaasoo aroortii hore qaadi jiray haween ganacsato yar yar oo suuqa Bakaaraha khudaar iyo hilib kasoo qaadi jiray. Subaxaas bus-kii waan waayay, mana ogeyn waxa dhacay. Dhanka isgoyska ayaan xoogaa u dhaqaaqay. Isgoyska waxaa joogay ciidankii guutada Pakistan oo ilaalo ka hayey waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. Waddada way xirneyd, waxayna u muuqatay in xiisad Meesha ka jirto. Raadiye ma dhageysan, aabahayna kama maqlin wax cusub subaxaas. Ma hubo inuu aabe subaxaas aaday shaqadiisii xarunta UNOSOM ee Siligga Ameerikaanka ku taallay iyo in kale.
Markaan arkay isgoyska oo xiran, askar feejigan oo Pakistaniyiin ahna ay taagan yihiin, waan iska soo laabtay. Isla daqiiqadahaas waxaa hawada ku aaddan jihada garoonka Muqdisho illaa aagga KM4 iyo Isgoyska Banaadir si garbo siman ku duulaya diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca ee helicopter loo yaqaano. Saddex way dhammaayeen xusuustayda.
Barqadii xilli ay ku began tahay waxaan maqlaynay rasaas, jugta madaafiicda iyo qoryaha culus. Maalinkaas dagaal culus oo dad badan ku dhinteen ayaa ka dhacay magaalada. Dagaalku wuxuu u dhexeeyay ciidamadii nabad ilaalinta ee UNOSOM oo Marerykanka hormuudka u aha iyo maleeshiyaadkii USC/SNA.
Sida dagaalku ku bilawday iyo ujeedka muran badan ayaa ka jira illaa hadda, sida qorayaal, saxafiyiin iyo hay’ado caalami ah sheegeen. Laakiin waxaa jirtay in USC/SNA ay muddo ku hadaaqayeen in ciidamada nabad ilaalinta ee UNOSOM laga saaro dalka, gaar ahaan Muqdisho.
Siday UNOSOM ku timid?
Aan dib kuu celiyo. Dagaalladii iyo barakicii dhacay 1990 – 1992 waxay dadka iyo dallka u horseedeen gaajo daran oo macluul isu rogtay. Sababta ugu weyn waxay ahayd labadii dekedood ee koonfurta (Muqdisho iyo Kismaayo) oo xirmay dagaalka dartiis, iyo wax-soo-saarkii beeraha oo joogsaday ka dib markii beeraleyda Shabeellaha Hoose, Hiiraan, Baay, Bakool iyo Shabeellaha Dhexe ay barakeceen colaadda darteed.
Macluushii dillaacday waxay horseedday in dad ku dhow nus milyan ay dhinteen (tirakoobyo kala duwan). Dadka barakacay waxaa lagu qiyaasay hal milyan iyo bar (1.5 milyan). Hay’adihii gargaarka way awoodi waayeen inay raashiin keenaan oo dadka gaarsiiyaan amni darri awgeed. Jidadka Muqdisho illaa Baydhabo, Muqdisho illaa Beledweyne, Muqdisho illaa Kismaayo way xirmeen waayo mooryaan ayaa isbaarooyin teel teel ah dhigtay, oo dadka dil iyo furasho isugu daray, gargaarkana hor istaagay.
Si taas looga jawaabo ayay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay go’aamiyeen Qaraar tirsigiisu ahaa 794 oo lagu abuuray Hawlgalkii Rajo Soo Celinta (Operation Restore Hope), kaasoo horseeday in Qaramada Midoobay ay dalka keentay hawgalkii UNITAF oo markii danbe loo beddelay UNOSOM. Ciidamo lagu qiyaasay 30,000 ayaana ka hawlgalay gobollada dalka. Waxaa kadibna fududaaday in gargaarka uu gaaro dadweynihii gaajoonayay, waxaana la badbaadiyay nafaf badan.
Maleeshiyaadkii USC oo hubkii laga qaaday, qaarkoodna la xirxiray, waxay billaabeen inay Soomaalidii Xamar joogtay ku kacdoomiyaan shisheeye neceyb, waddaniyad qabyaaladeysan iyo ajande xoogaa diimeysan. Ma jirin qorshe dadka iyo dalka loogu daneynayey, ee wuxuu iska ahaa dano kooxeed iyo mid qabiil. Taasi waxay sababtay in weeraro lagu qaado ciidamadii caalamiga ahaa ee joogay Xamar, qaraxyo miino oo waddooyinka la dhigo, bambo tuur iyo afduub.
Shirkii Addis Ababa
15-kii March 1993-kii waxaa Addis Ababa lagu qabtay shirkii dib-u-heshiisiinta ahaa oo la isugu keenay dhammaan 15-kii kooxood ee hubeysnaa ee Soomaalida. Shirkaas waxaa kasoo baxay qodobo lagu soo celin lahaa nabadda iyo xasiloonni. Markii kooxihii shirka joogay ay dalka ku soo laabteen, lana filayey in la dhaqangeliyo wixii kasoo baxay shirka, waxaa nasiib darro caddaatay in waxba socon karin. Waayo kooxdii USC ayaa diiday inay heshiiska nabadda fuliso, oo dagaalka iyo fawdada joojiso.
Sannadkii 1995 waxaa dalka ka baxay hawlgalkii UNOSOM, dhammaan ciidamadii caalamiga way bexeen, colaaddii iyo barakicii halkii ayay kasii socdeen, wax dowlad ah in la dhiso waa la awoodi waayay illaa sannadkii 2000 (Carta Djibouti) iyo 2004 (Mbigathi Kenya). Waxaa taas kasii daran in koonfurta oo ahayd meeshii holaca uu ka shidnaa ay isu bedeshay meel fawdo ah oo qab-qablayaal dagaal, argagixiso iyo burcad badeed hoy u noqotay, halka Soomaalida kale hore u sii socotay.
Shalay maanta u ekaa!
Taariikhda iyadaa isa soo celcelisa. Ka dib 30 sano oo hal filim aan soo daawanaynay, waxay u muuqataa in dadkeenna badankood waxba baran la’ yihiin. Maanta oo 29 sano laga joogo markii lasoo gabagabeeyay hawlgalkii UNOSOM waxaan markale markhaati ka nahay dhacdo u muuqaal eg tii hore. Maanta siddeed milyan iyo bar Soomaali ah (8.25 milyan) ayaa ku tiirsan gargaarka cuntada, dowladda Xamar ka jirta 73% miisaaniyadeeda waa taageero caalamku bixiyo oo ay ku jiraan mushaharka la siiyo xildhibaannada, wasiirada, shaqaalaha dowladda, madaxweyne, ra’isul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.
Si la mid ah hawlgalkii 1993, Qaramada Midoobay ayaa hormuud u ah dadaallada nabad dhiska, dowlad dhiska iyo gargaarka ee dalka oo dhan. Ku darso oo Soomaaliya waxaa lagu dhaqaa Cutubka 7aad ee Axdiga Qaramada Midoobay.
Si la mid ah kala qeybsanaantii jirtay 1993 oo kooxo kala duwan isugu heysteen siyaasadda, waxaa maanta markhaati ka nahay in siyaasadda lagu kala taagan yahay. Ku darso oo berigaas siyaasiyiinta Somaliland waxay badankood rajo ka qabeen in bal dowlad loo dhan yahay la sameysto, maanta baalkaas way iska jareen oo buuggooda kuma qorna.
Si la mid ah 1993, waxaa maanta neceybka, kala geynta dadka ee qabiileysan iyo siyaasadda dhuunta iyo caloosha (politics of belly) waxaa durbaanka looga tumayaa Muqdisho. Ku darso oo si la mid ah 1993 ayaa maantana caalamkii soo gurmaday magaca Soomaali loogu jaa’ifeynayaa iyadoon ummad wakiil looga yahay aysan jirin.
Si la mid ah 1993, waxaa manhajkii USC dadka u meerinaya kooxda Al-Shabaab.
W/Q: Abdalle Ahmed Mumin